“James Milner ayaa sabab u ahaa inaan ka guuleysan wayno Man City”. Eden Hazard

(Manchester) 23 Sebtember 2014. Frank Lamapard ayaa naadigiisii hore ee Chelsea ka hor joogsaday inay saddexda dhibic ku soo qaataan gegada Etihad ee kooxda Man City kaddib markii uu goolka bar-baraha ka dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta, balse xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaa qaba in James Milner uu sabab u ahaa in Chelsea ay saddexda dhibcood ku soo wada qaadan wayso Etihad.
Hazard ayaa sheeganaya in waxqabadka dhanka daafaca uu muujiyay Milner ay Chelsea ka hor istaagtay inay saddexda dhibcood ku soo wada qaadato gegada kooxda Man City.
"Sanadii la soo dhaafay waxaynu dheelnay kulanka ugu fiican". Ayuu yiri Hazard, wuxuuna intaa daba dhigay. "Sanadkan James Milner ayaa wax badan ka difaactamay dhanka midig, taas oo aniga igu adkeysay inaan wax weeraro".
"Marna ma sahlana inaad la ciyaarto Man City, qeybta hore ee ciyaarta waxay ahayd mid adag, waqti badan uma aynaan helin kubbada".
"Si fiican ayaynu u difaacanay intaa kaddib waxaynu dhalinay gool kale oo wada jir ah, taa oo inbadan sameynaynay xagaagan, waa inaynu ku wadnaa howsha sidan oo kale, si adagna u shaqeynaa".
"Innaga ayaa heyna hogaanka horyaalka, shan kulan aynu ciyaarnay, afar kulan ayaynu guuleysanay iyo hal bar-baro ah, ma ahan bilow xun".
James Milner of Manchester City tackles Eden Hazard of Chelsea
Gool FM. Read more about “James Milner ayaa sabab u ahaa inaan ka guuleysan wayno Man City”. Eden Hazard