“United weli ma iloobin sida laba daqiiqo loogu qaado UCL” Fergie oo digniin u diray Bayern Munich

 Ole Gunnar Solskjaer oo garoonka ku jiray wax ka yar 10 daqiiqo ka hor inta uusan goolka guusha dhalinHa Iloobin: Ole Gunnar Solskjaer oo garoonka ku jiray wax ka yar 10 daqiiqo ka hor inta uusan goolka guusha dhalin
Malaha waxay kulanka Talaadada ee lugta hore ee wareega quarter-finalka UEFA Champions League imaanayaan iyagoo u muuqda inay u gudbayaan wareega xigga, laakiin Sir Alex Ferguson ayaa rajeynaya inay Manchester United halis noqoto marka ay ka hortimaado Bayern Munich.
Red Devils ayey xilli ciyaareedkaan ka jajabneyd laakiin waxay soo gaareen wareega sided-dhamaadka Koobka Kooxaha Yurub ka dib markii ay celcelis ahan 3-2 uga soo gudbeen Olympiacos horaantii bishaan.
Iyadoo u gudbitaanka wareega xigga ay u muuqato waxa ugu sokeeya ee cadaadiska ka yareyn kara kooxda David Moyes, Ferguson ayaa xawaaji kusii daray hamiga kooxdiisii hore ka dib markii uu ugu baaqay inay ku celiyaan casharkii ay Bayern Munich ugu dhigeen finalkii Champions League 1999kii iyagoo guul ka gaaraya Isbuucaan.
Ferguson - ayaa kooxdiisii 1-0 looga badinayey finalkii Nou Camp - laakiin Teddy Sheringham iyo ka dib Ole Gunnar Solskjaer ayaa labada gool ee guusha u dhaliyey isla markaana natiijada dhanka kale u rogay iyagoo 2-1 ku qaaday tartanka.
Labada gool ayaa dhashay labadii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeysay iyadoo United ay ku guuleysatay seddaxleey koobab ah. Tababarihii hore ee United ayaana sheegay inuu rajeynayo inuu Moyes casharkaas oo kale ku bixiyo Old Trafford ama Allianz Arena labada Isbuuc ee soo aadan.
"Had iyo jeer waxaan aaminsanaa inay tahay qeyb ka mid ah Manchester United haddii ay 15 daqiiqo ciyaarta ka hartay isla markaana hogaanka laga hayo... Khamaar, riski gal haddiiba aad qeyb ka tahay kooxdaan," ayuu u sheegay UEFA.com.
"Had iyo jeer waxay ahaayeen halis aan galay qaar ka mid ah guulaheygii iigu weynaa ee aan gaaray waqtigii aan tababaraha u ahaa United, ciyaartooy soo geli marka ay ciyaarta ka harsan tahay 15 daqiiqo su'aal la'aan.
"Waxaad ku dhahdaa '1-0 ayaa hogaanka nalooga hayaa, ma jirto wax waqti ah oo aan heysano waana inaad ciyaartaa qaab ciyaareedkaada caadiga ah, sababtoo ah ma aadan shaqeyn 75 daqiiqo.
"Weerarka ku dar ciyaaryahan dheeraad ah. Sidaas waxaan sameynay finalkii aan wajahnay Bayern Munich, waxaan weerarka ku heysanay Solskjaer, Sheringham iyo Cole.
"2-0 ama 3-0 ayaa hogaanka nalooga heyn karay 90 daqiiqo, laakiin go'aanka iyo ku adkeysioga ayaa inooga filnaaday inaan ku guuleysano Champions League."
Inkastoo uu 26 sano oo guulo leh leylinayey United, Ferguson ayaa guushii uu ku gaaray magaalada Barcelona u arka middiisii ugu weyneyd abid.
"Ugu dambeyntii inaan ku guuleysano Champions League 1999kii waxay inaga dhigtay inaan sariirta seexano inaga oo nafsadeena aamisan. Rabitaankeyga oo dhan wuxuu ahaa inaan sidaasi sameyno waan sameynay laakiin sidee ayaan u sameynay habeenkaas? Inaan dhalino laba gool seddaxdii daqiiqo ee ugu dambeysay, ma jirin wax ka fiican oo aan sameyn laheyn," ayuu hadalkiisa ku daray.
"Haddii aad heleyso wax special ah oo soo daahay markaas waa fantastik. Ma aysan aheyn wax shil ku dhacay sababtoo ah kooxda ayaa sidaas soo sameyneysay xilli ciyaareedka oo dhan. Waxay lahaayeen damac fantastik ah oo ahaa inay guuleystaan. Dabeecad wanaagsan ayey ka dhigteen waana ay u qalmeen wixii ay qabteen."
Use Facebook to Comment on this Post Read more about “United weli ma iloobin sida laba daqiiqo loogu qaado UCL” Fergie oo digniin u diray Bayern Munich