“Xidiga Cristiano Ronaldo wuxuu xilligaan ahaan lahaa halyeey Barcelona ah” – Ramon Calderon

1415640455787_wps_3_epa04484116_Real_Madrid_sMadaxweynihii hore ee Real Madrid Ramon Calderon ayaa daaha ka qaaday inay kooxda Manchester United ka dalbatay Barcelona inay ka iibsato Cristiano Ronaldo.
Ronaldo ayaa kusoo biiray Los Blancos bishii July 2009kii adduun lacageed 80 milyan oo ginni ah ka dib markii ay wadahadalo dhexmareen labadaan kooxood, Calderon ayaase u sheegay barnaamijka ka baxa Sky Sports ee 'Revista de la Liga' sida ay u adkeyd in xiddigaan la keeno caasimadda Spain.
"Wuxuu imaan lahaa xilli ciyaareedkii 2008-09 waxaan inagu qorsheynaynay inaan heshiiska meelmarino markii uu isoo wacay Ronaldo," ayuu yiri Calderon.
"Waxaan kulan saaxiibtinimo ah u joogay Bogota wuxuuna igu yiri 'Waan ka xumahay Madaxwyne ma imaan karo sannadkaan ballaan ayaan ka qaaday Sir Alex Ferguson marka laga hadlayo xirfadle ahaan wuxuu ii yahay aabe oo kale. Xaqiiqdii waan ku qanacsanahay waxa ay taageereyaasha iyo kooxdu ii sameynayaan aniga, laakiin ha welwelin waxaan imaan doonaa Real Madrid sannadka soo aadan'.
"Sidaas darteed arrinkaas ayaa dhacay. Wuxuu wadahadal la galay Manchester United si uu uga tago adduun lacageed 80 milyan oo ginni ah waxaana heshiiska saxiixnay bishii December sannadkii 2008dii, markaasoo ay sheegtay Man United inay fiican tahay haddii ay Real Madrid u imaaneyso inay isaga la wareegto.
"Waxay aheyd sheeko madadaalo leh, mase garanayo sababta, laakiin Ferguson xoogaa wuu kasoo horjeeday heshiiskaan maadaama uusan si aad ah u jecleyn Real Madrid, waana inaan sheegaa arrinkaas.
"Wuxuu sheegay in Cristiano uusan u socon Real Madrid waxayna Barcelona u bandhigeen heshiis ay kula wareegeyso si la mid ah kooxo kale, Barcelona ayaana xitaa sheegtay inay isku diyaarineyso inay bixiso qiimaha ay codsatay United.
"Laakiin sheyga ugu muhiimsan ayaa ahaa inuu Ronaldo sheegay in uusan u socon Barcelona isagoo ku yiri United 'Waxaan aadayaa Real Madrid haddii kale ma socdo'. Taas ayaana aheyd wixii nagu habboonaa, sidaas darteed waan ku farxay inuu yimid halkaan waana ku farxay wixii uu sameeyey, waana ku farxay gooldhalintiisa iyo sida uu u dhaqmo.
"Wuxuu tusaale u yahay qofkasta, caruurta iyo asxaabtiisa ay isku kooxda yihiin inkastoo aanan dooneyn inaan is amaano shaqsi ahaanteydu. Wixii aan sameeyey waqtigaas shaqsi kasta ayaa sameyn lahaa sababtoo ah ma dooneysid inaad lumiso fursad aad ku heli karto Ronaldo." Read more about “Xidiga Cristiano Ronaldo wuxuu xilligaan ahaan lahaa halyeey Barcelona ah” – Ramon Calderon