Dhakhaatiirta Samo falka qaliinka caruurta oo markii ugu horeysay laga horjoogsaday Borama

Hargeysa(Saylac.com)- Dhakhaatiirta qaliinka ee Kenya oo sanadkiiba hal mar ama laba jeer uso socdaali jirtey Borama si ay qaliino kala duwan oo samo fal u sameeyaan ayaa xukumada Axmed Silaanyo ku horjoogsatey madaarka Hargeysa.
Dadgoob ah oo la soo xidhiidhay Saylac.com waxay sheegeen in Dhakhaatiirta ajanabi ah lagu amrey inay Hargeysa ka hawlgalaan hadii kale ay Nairobi ku noqdaan. Sidoo kale wararku waxay intaa ku darayaan in hadidaad iyo cago juglayn loogu geystey madaarka Hargeysa iyadoo warar aan la xaqiijina sheegayaan in qaar ka qalabkii qaliinka ee ay wateen niman Boolis ahi ka gacmo maroojiyeen .
Lama garan karo ilaa hadda sababta in dhakhaatiirta samafalka ah ee qaliinka laga horjoogsado safarkoodii caadiga ahaa ee ay sanadwalba ku tagi jireen magaalada Borama halkaas oo ay dadweyne badani ku sugayeen in qaliino kala duwan oo u badan dhinaca caruurta ,Qaliinka Dabnaha, Afka iyo kuwo kaleba .
Dadweynaha reer Borama ee qaliinkan sugayey oo mudo lix bilood ah isku magacaantooda galiyey liiska sugitaanka qaliinka samafalka ah ayaa aad ugu xumaaday in dhakhaatiirta laga horjoogsado isla markaana xukumada Silaanyo u diido inay Hargeysa soo dhafaan.
Waa markii ugu horeysay ee dhakhaatiir Ajanabi ah si badheedh ah xukumada Silaanyo uga mamnuucday inay ka hawlgalaan gobolka Awdal. Dhinaca kale dadweynaha reer Borama ayaa sheegay in arinkani xusuus gaar ah ku beeray iyadoo hadda ka madaxweynihii hore ee Somaliland Allaha u naxariistee Cigaal uu borama ka raray dhamaan hay’adihii samafalka ee ka hawl gali jirey Borama una raray magaalada Hargeysa.
Saylac.com
Hargeysa