Ayaa kasoo qayb galay Shirkii Beelaha Jibriir Yoonis ee London – 3rd of March 2012

London(Saylac.com)-Waxa lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska shir si wanaagsan loosoo agaasisamay oo ay iskugu yimaadeen boqolaal rag iyo haween ah oo ka tirsan dhamaan qaybaha kala duwan ee beelaha Jibriir Yoonis, kuwaasi oo ka kala yimiday dhamaan magaalooyinka dalka ingiriiska.Shirka waxa kasoo qayb galay Marti sharaf ay ka mid ahaayeen : Fanaanka Caanka ah ee Farxam Muuse Cige(Farxan xidid), Prof Maxamed Good oo wax ka dhiga Manchester College), Dr. Maxamed Qayaad (Montaigne Bordeax3) Prof Abdillahi Muumin, Saleebaan, Safiyo Maxamuud GUdaal (Neero) oo ah gabadhii ugu ciyaar fiicnayd Ciyaaraha qaranka ee Soomaaliyeed qaybta ciyaaraha kolayga iyo odayaal waxgarad iyo aqooyahano ka kala socday qaybaha bulshadu ka kooban tahay.
Shirkan oo lagaga hadley danaha guud ee beelaha Jibriir Yoonis waxaa lagu falanqeeyay arrimo dhawr ah oo u dan u ah beesha Jibriir Yoonis iyo Gadabuursiba, waxana ka soo baxay qodobo dhawr ah. Shirka waxa kasoo baxay arimahan soo socda
1-       Shirkan waxa lagu soo magacaabay gudi guud oo lagu saleeyay qabaa’ilka Jirbriir Yoonis oo dhan, waxana la siiyay kalsooni buuxda. Gudigu waxuu ka shaqaynayaa , isku xidhka guud ee beelaha Jibriir Yoonis ee UK, dhaqaalaha, soo dhawaynta, xalinta dhibaatooyinka  la soo gudboonaata Jibriir Yoonis iyo waliba xidhiidhka guud ee Gadabuursi
2-      In laga shaqeeyo sidii horumar loo gaadhsiinlahaa  dhulka  ilaahay  inoogu deeqay. sida waxbarashada  caafimaadka, biyaha iyo wixii kale ee lamid ah. Biyaha- in la samaysto biyo xidhid iyo haro bulshadu ka faaiidaysa, in la ilaaliyo deegaanka, dhirta iyo ugaadha
Beeshu waxay taageero buuxda siinaysaa in la aqoonsado gobolka Harowo ee kililka shanaad iyo degmooyinka ay xaqa u leeyihiin Beelaha Gadabuursi ee degan Ethiopia, Dawlada Kililka shanaad iyo madaxwaynaha Kililkana waxaan ka codsanaynaa in arrintaa waxay uga qabtaan iyadoo la tixgalinayo rabitaanka shacbiga gobolka, kuna jirto   danta guud ee kililku
3-      Si loo gaadho horumarkaas la higsanaayo, waa in  aan  abuurno  sanduuq  oo lagu taageero saldannada Jibriir Yoonis  si madax-dhaqameedyadeenu xor  ugu noqdaan  fikirkoodana ugu shaqeeyaan,  danaha umadoodana si kalsooni  leh  ugu  adeegaan
4-      In la  abuuro  shirkado  dhaqaale  si  loo kobciyo awoodeena dhaqaale
5-      Wada noolaanshoha reerka guud ee Gadabuursi iyo dadka kale ee an wada degno
·         Shirkan waxa la isku raacay ururinta iyo isku soo dhawaynta Gadabuursi, ficil iyo qawlkaba.
·         Ka fogaanshaha waxyaabaha dadka kala fogeeya, sida cayda iyo hadallada xumaanta dhaliya
·         Magaca Jibriir Yoonis ku hadalkiisa in loodhaafo madax dhaqameedyada iyo qofkii loo igmado inuu  beesha u hadlo
6-      Arrimaha suxufiyiinta iyo websiteyada: Horta beeshu waxa ay halkan ka cambaaraynaysaa xidhxidhida , jidhdilka iyo tacadiyada saxaafada loogaysto ee caadoda u noqotay dawladda Somaliland, wax aanay codsanaysaa in si dhakhso ah sharciga loo soo taago kuwii ka dambeeyay jidhdilkii iyo tacadigii loo gaystay Suxufi Maxamed Cabdiraxmaan Ismaaciil
·         Beesha Jibriil Yoonis raali kama aha waxii cay iyo aflagaado ah ee mararka qaar lagu qoro websiteyada beesha, waxayna ku waaninaysaa cidda beesha katirsan ee wax qorta in anshaxa iyo asluubta guud ee saxaafada ay ilaaliyaan oo aan si caadifadaysan wax loo qorin.
·          In la taageero iskuulka saxaafadda ee Boorama iyo in lasameeyo guddi saxaafadeed ka warhaysa Suxufiyiinta kana shaqeysa kobcinta iyo kor u qaadid aqoonta suxufiyiinta beesha
Saylac.com
London UK