Aqoon Kororsi: Waa maxay farqiga u dhexeeyo SHIICA iyo WAHAABI?

Bismillaah, Alxamdulillaah, Allahuma salli cala sayiddinaa Muxammad!!.
Qormadani, waxaynu ku eegi doonnaa farqiga u dhexeeyo labadan qolo, tiiyoo aanayba munaasab ahayn in lays barbar dhigo, laakiin si ay tahayba waa dhacday horey in la is barbar dhigay, marka inaguna aynu is barbardhigno oo aynu haddana kala dhigno, sidii ay horey ukala dhignaayeen.
Markaan aqriyey qorma uu ku daabacay halkan, walaal Soomaaliyeed,http://caasimada.com/shiicada-wahaabiyada-yaa-u-daran-soomaali-dalka-ayay-joogaan/
Baan garawsaday inaan ifiyo, Shiico waxay tahay iyo Wahaabi wuxuu yahay.
Labadani firqo runtii waa labo aanan la is barbardhigin, waxaana u dhaxeeyo farqi weyn. Labadani waxaa taariikh dheer qoloda Shiicada ah, qolada kalena taariikhdoodu sidaas uma sii fogo. Qolada Shiicada ahi, waa qolo ka fallaagowday Ahlu sunnada, mana aaminsana asxaabtii nebiga (NNKH) oo idil, marka laga reebo wax dhan 10 saxaabi. Qolada kalese iyagu waa Ahlu sunnah wal jamaacah, taariikhdooduna masii fogo sida aynu xusnay, waxayna qoladani ku nasab sheegataa nin la oran jirey Maxammed ibnu Cabdulwahaab, oo fikradda Wahaabiyada billaw u ahaa.
Wahaabiyada waxay xoogga saartay inay la dagaallanto shirkiga kiisa weyn iyo kiisa yar, waxayna baab u furtay jihaadka, kaasoo markii ay kooxdani dhalanaysay mugdi weyn uu sii galayay ama lasii illaawayay. Qoladani waddanka Sucuudi Arabiya iyo waddama dhowr ah ayay ku faafeen, iyadoo ay waddankeenna Soomaaliyana soo gaartay.
Kooxda Waabiyada, waxay aaminsan yahiin arkaanta Islaamka ee shanta ah iyo arkaanta Iimaanka ee lixda ah iyo Ixsaanka. Waxay aaminsan yahiin Quraanka kariimka inuu yahay hadalkii Ilaahay oo kaamil ah sidii loogu soo dejiyey nebi Muxammad (NNKH). Ma aaminsana in uu jira Quraan kale oo maqan oo aanan ku sugneyn musxafka aynu haysanno. Waxay aaminsan yahiin sunnada nebiga (NNKH), kutubbada xaddiiska sida Saxiixul Bukhaari, Saxiixul Muslim, Sunan An- Nisaa'i, Sunan Abuu Daa'uud, Sunan At- Tirmidi, Sunan Ad- Daaramiy, Sunan Ibnu Maajah iyo Muwadda'ah Maalik. Waxay aaminsan yahiin afartii Khulufaa'u Raashidiin (Abuu Bakar, Cumar, Cuthmaan iyo Cali- Ilaahay haka raalli noqdee), kuwaasoo dhammaantood uu nebigu (NNKH), Jannada ugu bishaareeyey ayagoo nool. Afarta mad-hab ee fiqiga Sunniga ah ee kala ah Xanafiyada, Maalikiyada, Shaaficiyada iyo Xambaliyada ayay aaminsan yahiin.
Wahaabiyada markii ay dhalanaysay xaaladda Muslimiintu waxay ahayd, mid shirki kusugan, iyadoo goballada Muslimiinta oo idil uu kasii lumayay fiqigii saxda ahaa. Xarakadani dhaqdhaaq Jihaadi ah ayay samaysay, waxbadan bay saxday, inkastoo waqtiyadii dambe kuwa fikradda Wahaabiga aamisan ay wax badan khaldeen.
Firqadani waxay kujirtaa xeradii Islaamka iyo sunnadii nebiga (NNKH), sax iyo khaladba way yeelan kartaa, taasoo aynaan innagu garan karin, xukunkeedana waa Allaah xaggiisa.
Laakiin qolada kale ee Shiicada ahi iyadu kuma jirta xera Islaam, iyo mid Sunna, waana midda aynu kudheeraan doonna oo aynu aad u falanqayn doonno hadduu Eebbe idmo. Dadka qaar markay maqlaan Sunni iyo Shiici, waxay moodaan mubaaraad kubbad ama lagdan labo kooxood, tiiyoo aanay aqoonba u lahayn ereyga Shiica.
Ereyga Shiica asal waa mustalax ka dhambaalmay ama la macno ah ereyga Ansaar, taasoo loola jeedo macna ahaan "Gargaarayaal". Shiica waxaa loogu bixiyey waxay sheegteen inay u gargaaraan aahlu beydkii nebiga (NNKH), gaar ahaan Cali iyo Xasan iyo Xuseyn iyo Faatimah.
Dadka qaar waxay ku oranayaan Shiicadu waa dad Muslimiin ah ama Islaam ah. Taariikhda Islaamka dhibihii ugu weynaa waxaa u geystay kooxda la yiraahda Shiicada. Inta mar ee uu Islaamku cadaw u jabay laga soo billaabo Cahdigii khulufada illaa iyo maantadan dibindaabyada ugu waaweyn iyo jabkaasi waxaa Muslimiinta u sabab ahaa oo soo gaarsiin jirey waa firiqada Shiicada la yiraahdo.
Shiicadu waa firqo baadiyeysan, asalna waxay ka timid Majuustii Persia ee dembka caabbudi jirtay markii uu dhulkooda Islaamka furtay ayay in badan oo kamid ahayd dantu bidday inay Islaamaan, saa iyagii baa misna markii dambe sheegtay inay yahiin Ansaartii aalubeydka, tiiyoo ay gefef iyo aflagaaddo aad u foolxun u geysteen saxaabadii nebiga (NNKH).
Waxaase gogal dhig u ahaa firqadani, nin Yahuudi ahaa oo la oran jiray Cabdillaahi bin Saba, oo xulufo la ahaa qabiilka Carbeed ee la oran jirey Ximyar, kuna noolaa Yeman. Ninkani wuxuu Islaamay waqtigii Cuthmaan bin Cafaan uu amiirka ahaa, saa wuxuu tegey Masar oo uu ka asaasay fitnadii lagu diley Cuthmaan, isagoo oran jiray ninkani, "Rasuulka Alle (NNKH), wuxuu xilka uga tegey Cali, iyo wuu soo laaban doonaa Rasuulka Alle waayo, Ciiseba waa soo laaban doonaa, markaa Ciise Rasuulka (NNKH) ayaa ka fadli badan oo ka martabad sarreeya, siduuba Ciise u soo laabanaya ayuuna usoo laaban doonaa".Shiicadu ma tahay ummad Islaam ah?Bal aynu eegno muctaqidaadkooda marka hore.
1. Abuu Bakar Siddiiq oo ahaa labeeyahii godka kuwehliyey xilligii Hijrada Rasuulka ee dhanka Madiina iyo rafiiqii nebiga (NNKH), ee maal iyo nafba garab joogay nebiga (NNKH), ee gabadhiisa uu qabay nebiga (NNKH), ee uu nebigu (NNKH) xaggiisa ka yiri "Qofkastaaba wuxuu ii galay waan u guday illaa Abuu Bakar mooyaane, isagu abaalkiisu ma gudi karo, kaliya waxaa gudi kara Allaah. Haddii aan basharka khaliil ka dhigan lahaa, Abuu Bakar baan Khaliil ka dhigan lahaa, laakiin saaxiibkiin (Nebiga), waxaa khaliil ka dhigtay Allaah". Waa ninka uu xaggiisa ka yiri "Xira albaabada oo dhan albaabka Abuu Bakar mooyane", waa ninka markii la weydiiyey Rasuulka (NNKH) dad yaad ugu jeceshahay, uu yiri "Caa'isha", Ragga baan kuweydiinnay marka la yirina yiri "Aabbaheed (Abuu Bakar)". Waa ninka uu nebigu (NNKH) ugu bishaareeyey inuu Jannada geli doono, bal' ee waa ninka uu nebigu (NNKH), ku yiri "Waxaan rajaynayaa inaad kamid noqoto kuwa ka geli doono albaabka Rayaan Jannada". Waa ninkii uu nebigu (NNKH) amray ee salaadda dadka tujinayay muddo dhowr iyo toban casho ahayd oo uu nebigu noolaa balse uu xanuunsanaa, waana ninka uu nebiga (NNKH), salaadda ku daba xirtay ee iimaamka u noqday kheyru Khalqillaah. Ninkan bay gaal ku sheegeen Shiicadu, ninkan bay yiraahdaan waa malcuun. Haddaba haddaynu niraahdo dadkani waa Islaam, miyaanay arrintu noqoneyn in xabiibkeenna wuxuu sheegaya oo dhan aynu been kasoo qaadno?
Hadday iyagu ku oranayaan naar buu galaa, nebiguna (NNKH) uu ugu bishaareeyey inuu Jannada galaya, kee baa run sheeg aan kasoo qaadnaa iyaga ama nebigeenna suubban (NNKH)?
2. Haddaadan ogeyn waddanka Iraan waxaa kunoolaan jirey dad badan oo Sunni ah, laakiin waala dabar gooyey, waxaana maanta looga dabbaal degaa mowtka ama geerida Cumar bin Khaddaab Ilaahay haka raalli noqdee, iyadoo gaalkii weynaa ee Majuusiga dab caabbudka ahaa ee Cumar bin Khaddaab dileyna waddankaasi looga yaqaan "Baabaa Al Mukarram", yacni aabbihii karaameysnaa. Sababtu mataqaan?
Cumar bin Khaddaab wuxuu ahaa amiirkii waqtigiisa la furtay dhulkaasi Furus, waqtigiisii ayayna burburtay boqortooyadii Al Maddaa'in iyo Bahuraasiir ee dhulkaasi Beershiya. Sidaas darteed waxay Majuustu u arkaan illaa maantana ay Iiraan u aragtaa inuu Cumar bin Khaddaab cadawgii kowaad ee Furus uu ahaa.
Cumar bin Khaddaab, waa amiirkii Mu'miniinta ee labaad, wuxuu dhalay gabadhii uu Rasuulka (NNKH) qabay ee Xafsa bint Cumar, wuxuuna nebigu (NNKH) ugu bishaareeyey inuu geli doona Jannada. Waa ninka uu ku yiri "Hadduu Cumar, waddo qaado Shaydaankuna (wuu ka leexdaa) wuxuu qaadaa waddo kale". Waa ninka uu Cali bin Khaddaab ku tilmaamaya in Quraanka iyo hadalka Cumar ay iswaafaqi jireen, waa ninka uu nebigu (NNKH) ugu bishaareeyey gurigiisa Jannada intuu soo arkay. Ninkaas bay gaallimo ku sheegaan, oo ay lacnadaan, kuna sheegaan malcuun muteysan doono naarta Ilaahay, maya ee ay xusaan geeridiisa ayagoo ku faraxsan, gaalkii dileyna ay u baxsadeen magac lamacno ah "Aabbihii Karaameysnaa". Haddaba ummaddaasi ma Muslim ama Islaam baa?
3. Cuthmaan bin Cafaan, wuxuu ahaa amiirkii labaad ee Mu'miniinta iyo Khaliifkii saddexaad. Wuxuu ahaa ninkii uu xaggiisa ka yiri Rasuulka Alle (NNKH) "Miyaanan (Caa'ishaay!!) ka xishooneyn, nimay Malaa'iktu ka xishoota (Cuthmaan)"? Waa ninka uu nebigu (NNKH) u guuriyey labadiisii gabdhood ee Ruqayah iyo Ummu Kaltuum. Markay midi kadhimatay buu tii kale u guuriyey. Tii labaadna markay ka dhimatay wuxuu yiri "Haddii aan mid saddexaad ay ii joogi lahayd, waan kuu guurin lahaa". Wuxuu ugu bishaareeyeey inuu Jannada geli doono. Wuxuu yiri "Yaa inoo iibiya ceelka Ruumah oo yeelan doono halkii dar (wadaanba) dar ka kheyr badan oo Jannada dhexdeeda ah"? Saa Cuthmaan baa kacay oo iibiyey. Ninkaas fadliga badan bay la lacnadaan Shiicadu kuna sheegaan inuu yahay malcuun muteysan doono caro iyo cadaab Alle. Haddaba kooxdan haddaynu nidhaano waa Islaam, sow arrinku noqon mahaya inaanu ku xukminno nebigeenna qiimaha badan inuu yahay beenaale?
4. Asxaabtii nebiga (NNKH) oo ay ku jiraan Badriyiintii iyo kuwii ka qeyb qaatay heshiiskii Xudeybiyah iyo Baycadii loo yaqaannay BAYCATUR- RIDWAAN, bay dhammaan ku xukmiyaan inay gaalloobeen. Ogow aayada Quraan ah ayuu Ilaahay soo dejiyey oo uu dhammaan asxaabtii ka qeyb qaadatay baycadaasi uu uga raalli noqday. Raggii Baycadaasi ka qeyb galay waxay tiradoodu ahayd 1400 saxaabi, balse Shiicadu maanta dhammaantood saxaabadaasi waxay ku xukmiyaan inay yahiin kufaar, ama kuwa gaalloobay nebiga (NNKH) ka dib.
5. Caa'isha oo aynu ognahay martabaddii ay ka joogtay Rasuulka Alle (NNKH), agtiisa, oo uu ku geeriyooday dhabteeda, gurigeedana lagu aasay, aadna uu u jeclaa, oo dad dhan uu ayada ugu jeclaa, sida mar Camar bin Al Caas intuu weydiiyey Rasuulka (NNKH), Rasuul Alloow (NNKH) dad yaad ugu jeceshay"? Suu yiri "Caa'isha", markaasuu yiri "Raggaanu kuweydiinnay"? Markaasuu yiri "Aabbaheed".
Mar baa duullaankii Muraysiic ama Banii Mustaliq hadba sidaad u taqaan ay Caa'isha Rasuulka (NNKH) u raacday, goor habeen ah, baa ayadoo kortag u baxday ciidamadii oo degen, baa Rasuulku (NNKH) wuxuu amray in la dhaqaaqo, oo la guureeyo. Caa'isha inay huuddajkeeda kujirta baala mooday, dabeetana awrkii baala saaray huuddajkii oo sidaas bay saxaabadii ku dhaqaaqeen. Caa'isha kol dambooy meeshii timid, mise waaba cidlo. Waxay istir, waala soo laaban doonaa markii lagu tebo, ee iska sug illeen meel mataqaanide. Halkii bay hurdo la tegtay. Subxadii baa waxaa arkay saxaabi hurdo weynaa oo hurdo weyni ciidamada uga hari jiray oo halkaasi ku haray, kaasoo la oran jiray Safwaan bin Mucaddal. Kadib baa asagoo yaabban oo subxaanalleysanaya oo leh, waa afadii Rasuulka Alle (NNKH) buu u keenay awrkiisii. Dabeetana wuu ka durkay, markay fuushay buu hoggaanka u qabtay oo ciidamadii ka daba geeyey. Munaafiqiintii baa arrintaasi ka faa'iideysatay oo Caa'isha dacaayad u gelisay suuqa. Muddo bil kadib baa Allaah wuxuu soo dejiyey aayada xiriir ah oo 11 ka kooban, kuwaasoo ku jira suuradda An Nuur, uuna ku beriyeelayaa Caa'isha. Aayadahaasi Caa'isha lagu beriyeelay oo Ilaahay ceebtii kaga meydhay, Shiicadu mawaanay aaminsanayay? Illeen waxay iyagu yiraahdaan "Caaisha xumaan bay maalintii Muraysiic kudhacday". Ma iyagaa run sheegaya mise Allaah? Dadkani dafirsan 11 aayadood oo kamid ah aayadaha Rabbaaniga ee Quraanka miyay yahiin Muslimiin?
Waxay aaminsan yahiin inay Caa'isha tahay gabadhii dishay Rasuulka Alle (NNKH) oo ay sumeysay, waxaanay agtooda uga yaqaanaan malcuunad. Qofka qaadanaya mad-habta Shiiciguna waa inuu marka hore qiraa towxiidka, iyo wilaayada Cali, dabeetana uu ka beri noqdaa misna uu lacnadaa labadii Sheikh Abuu Bakar iyo Cumar, kadibna uu lacnadaa Cuthmaan, Xafsa (xaaskii nebiga) iyo Caa'isha (xaaskii nebiga). Markaas baad noqoneysaa Shiici.
6. Shiicadu qofkii ugu horreeyay ee ciqaaba wuxuu ahaa Cali bin Abii Taalib, waayo, asagoo nool ayay Ilaahnimo ku sheegeen, markaasuu gubay, markaasay yiraahdeen "Haddeer uunbaan sii ogaannay inana inaad tahay Ilaaha dhabta ah, waayo waxbaadba cadaabaysaa".
7. Shiicadu waxay aamisan yahiin in Quraanka gacanteenna ku jira uusan dhamaystirneen, waxayna hayaan Quraan saa'id ah oo loo yaqaan Musxaf Faatimi, kaasoo ay ku sheegeen inuu yahay Quraan ay haysay Faatima, oo uu Abuu Bakar diiday inuu qoro.
8. Dadkii Xuseen bin Cali shirqoolay ee uga baxay ballanta waxay ahaayeen Shiicadii reer Ciraaq. Ma ogtahay Shiicadu waxay aad uweyneyaan Xuseen, in kabadan weyneynta Cali iyo Xasan oo labaduba ka fadli badan Xuseen? Sababtuna waxay tahay Xuseen wuxuu qabay gabar ka dhalatay masjuustii dabka caabbudi jirtay ee Iraan ama Persia. Taasoo uu dhalay boqorkii xukunka laga tuuray oo la oran jirey Yazdajrid. Gabadhaasi, waxay u dhashay Xuseen, wiilkiisa Cali bin Xuseen oo loo yaqaanay Zaynulcaabbidiin. Haddaba jeceylka afka baarkiisa ah ee ay sheeganayaan waa been iyo turufo aanan jirin. Waa kuma midka oran kara Abuu Bakar Siddiiq baan ka jeclahaa nebiga (NNKH)? Waa kuma kan oran kara waxaan ka jeclaa Cali iyo Xasan iyo Xuseen iyo Faatima, iyo dhammaan aalubeydka? Waa kuma qofka kaga dhowris badan asxaabta nebiga (NNKH) xagga aalubeydkiisa? Waa maya, waa cidna.
Shiicadu marka laga reebo qolada la yiraahda Zaydiyada oo ah firqo aad u yar, inta kale waa dad ictiqaadsan waxyaabahaasi ka hor imanaya runnimada iyo xaqa Islaamka.
Qola Zaydiyada la yiraahdo waxay aaminsan yahiin iyagu in Cali iyo Xasan iyo Xuseenba ay yahiin macsuumiin (waana dembi), iyo inay ka fadli badan yahiin dhammaan asxaabta sida Abuu Bakar iyo Cumar iyo Cuthmaan...
Sidoo kale waxay qoladaasi aaminsan tahay asxaabtu oo dhan inay yahiin asxaabtii nebiga (NNKH), oo aanay gaalloobin. Marka Zaydiyada oo qolo dambaabtay uun ah laakiin xero Islaam ku jirta mooyaane, inta kale oo ah Ithnaacashariyada waa kuwa aanan Islaam raad ku lahayn, waana cadaw ku fikiraya inay tirtiraan jiritaanka qofka Islaamka ah ee sunniga ah.
Zaydiyada marka loo fiiriya Shiicada kale waa wax aanan dhamayn 5%, inta kale Shiicadu waa qolo aanan ku jirin hero diin iyo Islaam. Shiicadu waxay u kala baxdaa dhowr qeybood. Dowladdii Faatimiyada ee Shiicadu ay hoggaaminaysay, waxaa lagu tiriyaa inay tahay mid kamida dhibihii ugu weynaa ee Islaamka soo gaaray. Dowladdaasi waxay keentay wax badan oo khuraafaad ah, iyo inxiraaf diini ah. Ninkii la oran jirey Xaakim bi Amrillaah ee kamidka ahaa Cubeydiyada, wuxuu ahaa nin soo maray dowladdaasi, wuxuuna sheegtay mar inuuba yahay Ilaah. Ninkaas mar buu amray in lasoo saaro qabriga nebiga (NNKH), oo Madiina ku aasnaa, laakiin Ilaahay baa duufaan u diray ragguu u diray halkaasi oo ka dhowray.
Nimankii Maanquulka ama Tataarka la oran jiray, wixii Muslimiinta u jebiyey waxay ahaayeen qolada Shiicada ah. Firqada Ismaaciiliyada oo kamid ah Athnaacashariyada Shiicada ayaa ahayd qoladii madaxjebinta ku dhamayn jirtay madaxda iyo shacabka Islaamka, taasoo ay soo adeegsan jireen dowladihii deriska la ahaa Islaamka.
Shiicadu waxay aaminsan tahay in Xaramaynka Makkah iyo Madiinah ay haystaan niman aanan Islaam ahayn, oo ay ku sheegeen Sunniyiinta. Waxaanay rumeysan yahiin in maalin maalmaha kamid ah ay ka xorreyn doonaan oo ay furan doonaan Xaramka Makkah iyo kan Madiinah. Xukuumadda Iiraan calaaqaadka ay la leedahay dowladaha Khaliijka waa mid aad u xun, siiba waqtigii AxmeddiNajat aad buu u sii xumaaday xidhiidhkii u dhexeeyay. Jawaasiis ayaa maalin kasta lagu qaban jiray Dubai iyo Riyadh, kuwaasoo ah niman mukhaabaraad Iiraaniyiin ah. Kaliya waxay intaasi raadinayaan sidii ay ku qabsan lahaayeen ama ay khalkhal ku gelin lahaayeen dhulka xurmeysan.
Toddobaatameeyadii ninkii Mahdiga sheegtay ee Shiicada ay soo hubeysay iyo taariikhdii ka dhacday Kacbada waa mid qoron oo laga qisooda tan iyo maanta.
Dhibaatada ay Suuriya ku haysa Shiicadu iyo burburinta dhulkii barakaysnaa ee Shaam iyo taariikhdiisa waa mid aanan indhaha kaqarsooneyn. Immika boqolkiiba 15 (15%) Muslimiinta dunida ayaa ah inta lagu qayaasa qolada Shiicada, laakiin way sii kordayaan, iyagoo adeegsanaya warbaahinta iyo gargaarka ay gaarsiinayaan dadka ducful iimaanka uu haya. Waddamada Jordan iyo Filastiin iyo qeybo kamida Yemen, iyo Afghaan, Baakistaan, Soomaaliya iyo waddama badan oo kale ayay ka socotaa Tashayyuca lagu samaynaya umadda Sunniyiinta ah. Waddanka Iiraan waxaa ku noolaan jiray Sunniyiin tira badan oo dhashii ama farcankii saxaabada ahaa, laakiin maanta waalaga dabar gooyey oo Sunni waddankaasi aad buu ugu yaryahay.
Shiicada waa niman madax adag, oo u arka cadawgooda koowaad inuu yahay ninka sheegta Sunni inuu yahay. Waxay aaminsan yahiin qofka Shiiciga ah inuu ka fadli badan yahay nebiyadii hore oo dhan. Qofka Shiiciga ah hadduu geeriyooda, xataa haddii uu ku geeriyooda firaashkiisa, waxay aaminsan yahiin inuu yahay Shahiid, uuna geli doono Jannadiisa. Jannadu ma gelaya qof aanan Shiici ahayn ayay qabaan. Qof kasta oo Sunni ah wuxuu geli doonaa naarta ayay aaminsan yahiin. Dhammaan waxani waa waxa ku qoran kutubbadooda waaweyn ee maraajiicda u ah (qofkii aqriyaa aqriyaye). Iiraan waxay dhalineysaa Nukleer, uu reer galbeedku kasoo horjeedo. Nukleerkaasi ay Iiraan dhalineyso wuxuu dhibaato ku hayaa umadda Islaamka ee ku abtirsata Sunnada nebiga (NNKH), waayo halka ay ka billaabi doonto waa dhulalka Carbeed gaar ahaan Xaramka, oo ay ciil iyo colaad weyn u qabta dadka degen.
Waxaan daawanayay maalin dood dhex maraysay Allaha xifdiyee sheekha reer Suuriya ee Sunniga ee la yiraahda Sheikh Dr Cadnaan Al Carcuur, iyo wadaad Shiici ah. Sheikh Al Carcuur baa weydiiyey wadaadkii Shiiciga ahaa "Ka warran Yuhuud iyo Nasaaro"? Wuxuu wadaadkii yiri "Waa dad ahlu diin ah, oo lunsan, Ilaahayna wuu u dembi dhaafi doonaa, maadama ay yahiin ahlu diin, wuxuuna gelin doonaa Jannadiisa". Sheikh Al Carcuur baa markaasi meel dhaw uga soo dusiyey oo yiri "Bal ka warran, Caa'isha, xaaskii nebiga Alle (NNKH), iyadu ma naar bay ku jirtaa mise Janno"? Wuxuu wadaadkii yiri "Anigu la ima weydiiyo furaha Jannada, mahayo furaha Jannada oo ma gelin kara Caa'isha markaas". Sheikh Al Carcuur baa inta qoslay istaagay asagoo labadiisa gacmood isku garaacaya oo cod dheer ku leh "Muslimiintiiyeey ma ujeeddaan!!, ma ujeeddaan xiqdiga ay Shiico u qaadday xaaskii nebiga, heer ay yiraahdaan furaha Jannada ma hayno, iyagoo oranay Yahuud iyo Nasaaro waa ahlu diin Jannadayna gelayaan"?
Al Muhiim, ulajeeddadu waxay tahay qolada Wahaabiyada waa Ahlu Sunnah wal Jamaacah, waana firqa ku taagan kitaabka iyo Sunnada. Immaa arrimahan Jihaadiga iyo waxyaabaha dunida ka dhacay, Allaa naga og quluubtooda, kuwii xukun ku raadiya iyo kuwii ay dar Alle ka tahayba, laakiin waa qolo haddii Shiico lala mitaal dhigo ay uun dembi karaaceyso ciddii la miitaal dhigto.Allaha inawaafajiya Xaqa iyo towfiiqda.WQ: Mohammed Tahir AbdiEmail: mohamed1@live.fi__________________________________________________________Afeef: Qofmadani waxay u gaar tahay, qoraha iyo caasimada.com, lama daabacan karo idan la'aan.
Use Facebook to Comment on this Post

PdateM: 

2013-07-15 02:00:45 +0100