Arsenal oo lagu soo waramayo inay heshiis shaqsi ah la gaartay daafaca Swansea Ashley Williams

Arsenal ayaa lasoo werinayaa inay qarka u saaran tahay saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Swansea City Ashley Williams, ka dib markii ay la gaareen heshiis shaqsi ah oo uu xagaaga kula soo biirayo, xilli laga yaabo inuu kabtankeeda Thomas Vermaelen xagaaga ka tago Emirates Stadium, sida laga soo xigtay jariirada Daily Mail.
Tababare Arsene Wenger ayey dhab ka tahay xiisaha uu u qabo 28 jirkaan, kabtanka Swansea ayaana heysta fursad uu xagaaga kula biiro Gunners.
Sida la aamisan yahay Arsenal ayaa Williams kau dalban doonta 8 milyan oo ginni ilaa 10 milyan oo ginni marka uu xagaaga si rasmi ah u furmo suuqa kala iibsigu.Arsenal oo ku dhow saxiixa Williams ka dib markii ay heshiis shaqsi ah la gaartay
Kooxda Waqooyiga London ayaa daafaca heerka caalami ee dalka Wales bishii Janaayo dalab u dirtay, sida la rajeynayo Arsenal ayaa xiisaheeda soo cusbooneysiin doonta Isbuucyada soo socda.
Daafaca reer Belgium Vermaelen ayaa ka cabsi qaba inuu waayo booskiisa xulka Koobka Aduunka 2014, hadii uu xilli ciyaareedka soo aadan lasii joogo Arsenal.
27 jirkaan ayaana ka tegi doona kooxda Arsene Wenger hadii ay xagaaga lasoo saxiixato daafac cusub, xilli ay xiiso u qabaan Barcelona iyo Manchester United. Read more about Arsenal oo lagu soo waramayo inay heshiis shaqsi ah la gaartay daafaca Swansea Ashley Williams