Baarlamaanka Turkiga oo isku raacay in sanad loo kordhiyo howl galka Ciidamada Badda ka wadaan Xeebaha Soomaaliya

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa isku raacay in hal sano loo kordhiyo Ciidamadeeda Badda ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya, ee qeybta ka ah howl galka la dagaalanka Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.
Turkiga ayaa ka mid ah Howl galka NATO ee la dagaalanka Burcad badeedka, iyagoo horay uga qeyb qaaday howl galo ka dhan ahaa Burcad badeeda.
Mudada Ciidamada Badda ee Turkiga ugu ekaa howl galkooda ayaa ahaa 10-ka bisha Febraayo, waxaana Baarlamaanka Turkiga ansixiyay in sanad loo kordhiyo.

Baarlamaanka ayaa sheegay in howl galka Turkiga ee gacanka cadan uu yahay mid qeyb ka ah ammaanka Xeebaha iyo sidii maraakiibta caalamiga ah si nabad ay isugu gooshi lahaayeen.
Howl galka Ciidamada Badda ee Turkiga ayaa ku ek Febraayo 2013 ee sanadka soo socda, waxaana tallaabadan ay qaateen ka dambeeyay markii Ciidamada Caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay fashiliyeen weeraro badan burcad badeeda ku afduuban lahaayeen.
Maraakiibta dagaalka ee Turkiga ayaa dhowr jeer oo hore ka hortagay kooxaha burcad badeeda ee qafaalata maraakiibta, waxaana jiray isku dayo dhowr ahaa oo ay fashiliyeen.
Turkiga ayaa hada waxaa uu kaalin weyn ka qaadanayaa gar gaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya, waxaana markii abaarihii iyo macluushii dhacday bartamihii sanadkii hore uu bilaabay gurmadka shacabka Soomaaliyed u fidinayo, si ay dhibaatooyinka ugu baxaan.