Cancer-ka Ku-dhaca Qanjidhka Manida/Shahwada (Prostate Cancer) Oo Faro-baas Ku Haya Ragga Qaadka Cuna.

Cancer-ka ku dhaca Qanjidh-ka Manida ama Shahwada oo faro-baas ku haya Ragga Qaad-ka Cuna.
ka hortago waxa uu ka fiican yahay Is-daweynta, waa murti ama weedh ku baahday Isticmaalkeedu dhinaca Caafimaadka. Waxa Dunidan aan ku noolahay ku soo batay Xanuunada jiitama ee loo caalwaayey, Sida Canser-ka Macaan-ka, xanuunada sigaarku sanbabada ku reebo, wadno xanuun-ka, Tuf-ta, Dhiig-karka iyo xanuuno kale oo jiitama oo ku yimaada Cunitaanka Qaadka. dhaqan kasta oo dunida laga helo waxa uu leeyahay qayb wanaagsan oo wax-tar leh iyo qayb xun oo khaseere keeni kara, tusaale dadka Somaalidu wey qariyaan haddii Xanuunada qaar ka mid ahi ku dhacaan. Dhakhtar u dhashay dalka Denmark ayaa war-bixin caafimaad oo uu soo saaray ku sheegay in Ragga Somalida ee Qaad-ka Cuna uu faro-baas ku hayo Canser-ka ku dhaca Qanjidh-ka Manida ama Shahwada. Dhakhtarka oo sii faahfaahiye war-bixintiisa ayaa yidhi Canser-kani, waxa caadiyan uu ku dhacaa Ragga Da'doodu ka weyn tahay 50 sano, laakiin Ragga Qaad-ka cuna ee aan baadhitaanka ku sameeyey, siiba Somalida waxa uu bilaabmaa Canser-kani marka da'doodu 45 sano gaadho. waxa kale oo dhakhtarku hoosta ka xariiqay in Qaad-ku waxyeelo weyn gaadhsiiyo xubnaha Taran-ka ee Ragga, isla-markaan dilo Hamada am Nin-nimada Ragga.
Qanjidh-ka manidu waa qanjidh ragga ku jira oo sameeya dareeraha isu keena qayb ka mid ah manida. Cabbirkiisu waa ilaa 2 sentimitir X 2 sentimitir wuxuuna ku yaalaa Sinaha ama inta u dhaxaysa Duburta iyo Xiniinyaha. Qanjidh-kani waxa uu isticmaalaa hormoonka ragga ee loo yaqaanno testosterone si uu si caadi ah ugu shaqeeyo.
Calaamadaha lagu yaqaan Cancer-ka Qanjidh-ka Manida ama Shahwada ku dhaca.
*Kaadi faro-badan, siiba habeenkii.
*Iyada oo kaadiyi ku hayso oo haddana aanad kaaji karayn....Kaadidii oo aan kaa soo baxayn iyo Kaadida oo aad Xejisan kari weydo iyo waliba Kaadida oo kaa soo qubata mar-marka qaar.
*Kaadida oo si daciif ah u socota
*Kaadida oo ku xanuunjisa ama ku gubta
*Manidu markay ka imaanayso xubinta ragga wakhtiga galmada oo aad xanuun-dareento.
*Dhiig soo raaca kaadida ama manida
*Xanuun ama giigsanaanta dhabarka qaybtiisa hoose, miskaha ama bowdyaha sare U tag dhakhtarkaaga haddii aad isku aragtid wax ka mid ah calaamadahaan kor ku xusan.Halis ayaad u tahay Canser-ka noocan ah haddii ay: Da'daadu ka weyn tahay 45 sano
*Aad leedahay aabbo ama walaal hore u qabay kansarka qanjidhka
*Asalkaagu Afrika ka soo jeedo? ama tahay nin Madow oo u dhashay Africa.* Aad cunto cunno dufanka xooluhu aad ugu badan yahay iyo Qaadka.
Ka Hortaga Canser-ka Qanjidh-ka Manida
La-xidhiidh Dhakhtarkaaga oo samee Baadhitaan sanad-kiiba hal mar.
Ragga Cadaan-ka ah waxa la baadhayaa wixii 50 sano ka weyn. Ragga Madow ee ka soo jeeda Afrika waxa la baadhayaa wixii 40 sano ka weyn. Ragga Qaad-ka cuna waxa la baadhayaa wixii 35 sano ka weyn.
*Baadhidda dhiigga ee PSA (Prostate-specific antigen) Heerka PSA ee dhiigga ku jira wuu ku badanyahay ragga qaba kansarka qanjidhka.
*Baadhitaanka Malawadka (PR)Haddii baadhitaankaagu muujiyo in aad qabto kansarka qanjidh-ka Shahwada, baardhtaanno kale ayaa laga yaabaa in loo baahdo.
Wax yar ayaa laga jarayaa qanjidh-ka si looga baadho loona hubiyo in uu unuga kansarka ku jiro.Waxaana loo yaqaanna unugyo ka soo qaadidda jidhka. Daryeelkaaga. Haddii aad qabto kansar-ka qanjidh-ka, dhakhtarkaagu wuxuu kaala hadli doonaa kala doorashooyinka daaweynta. Kuwaan waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan:* Qalliin* Shucaac ama kaah isku daaweyn (Laser)* Kiimiko isku daaweyn* Sugitaan baxnaano, ilaalin badani ku jirto, ama feejigaan xoog leh.
Waxa soo Tarjumay soona Habeeyey:
Osman Abdillahi Sool
Freelance Journalist.sooldhuub@hotmail.com
Mareegta Caafimaadkawww.caafimaadka.com
e-mayl: editor@caafimaadka.com
e-mayl: caafimaadka2011@gmail.com Read more about Cancer-ka Ku-dhaca Qanjidhka Manida/Shahwada (Prostate Cancer) Oo Faro-baas Ku Haya Ragga Qaadka Cuna.