C.Ronaldo oo sheegay in koobka adduunku sidii hore uu ka duwanyahay sannadkan

Xiddiga u tartamaya sannadkan laacibka ugu fiican adduunka ee C.Ronaldo ayaa u sheegay Tv'ga Al Jazeera Sports in sannadkan koobka aduunka uu ka duwan yahay sannadadii tagay.
Ronaldo ayaa ku sifeeyay kala duwaanaanshaha sannadkan in ay tahay,"koobka aduunka sannadkan waxaa lagu qabanayaa Brazil isla markaana waxaaan Brazil wadaagnaa dhanka luuqada ,xulkaygana isla markaaba wey la qabsan doonaan wadankaasi"
Dhanka kale Ronaldo ayaa sheegay muhiimada xiddiguhu in aysan ahayn in uu ku guulaysto abaal marin balse ay tahay in uu kooxdiisa koobab badan u soo hooyo isla markaana ay jiraan laaciibiin badan oo mudnaa in la siiyo abaal marino balse ay ku guulaysan waayeen.

Waxaa Akhrisatay :105 Read more about C.Ronaldo oo sheegay in koobka adduunku sidii hore uu ka duwanyahay sannadkan