Daawo: Laacibka Hoffenheim ee ay ku dagaallamayaan United iyo Liverpool

Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa ku dagaallamaya saxiixa cayaaryahanka khadka dhexe ka weerartama ee kooxda Hoffenheim ee dalka Jarmalka Roberto Firmino.
Cayaaryahanka oo qaab-cayaareedkiisa lala bar-bardhigo cayaaryahan Coutinho oo Liverpool u cayaara ayaa xilli-cayaareedkii hore lala xiriirinayay kooxda Anfeild, iyadoo hadda ay si weyn u dooneyso Manchester United.
Sunday People ayaa warineysa in cayaaryahanka 22-jirka ah ee u dhashay Brazil ay xiiseynayaan kooxo ka dhisan England iyo kooxda Inter ee horyaalka Talyaaniga.
Firmino ayaa xilli-cayaareedkan kooxdiisa u dhaliyay 12 gool oo Bundesliga ah.
Daawo xirfadda iyo goolasha cayaaryahanka. Read more about Daawo: Laacibka Hoffenheim ee ay ku dagaallamayaan United iyo Liverpool