DEG DEG: Kooxda Jeenyo oo galabta xaaqday Somali Fruit, gashayna kaalinta labaad ee horyaalka Soomaaliya

DSC_0927
(Muqdisho) 23 Janaayo 2015 - Kooxda kubadda cagta LL.PP. Jeenyo ayaa galabta goolal badan ku xaaqday naadiga Somali Fruit, ciyaar ka tirsanayd horyaalka Soomaaliya oo ku dhammaatay 5-0.
Jeenyo United ayaa shan gool hoosta u galisay naadiga Somali Fruit, waxaana ay sidaas ku gashay kaalinta labaad ee kala horreynta horyaalka Soomaaliya.
Kooxda Somali Fruit ayaa iska sii joogi doonta kaalinta siddeedaad ee kala sarreynta horyaalka Soomaaliya, iyadoo leh saddex dhibcood, halka LL.PP. Jeenyo ay farqiga goolasha ku dagtay kaalinta labaad iyadoo min sagaal dhibcood la wadaagtay Saxafi FC oo ku jirta kaalinta saddexaad.
Sawirrada kulankan iyo waxyaabaha laga bartay ciyaartan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonnaa hadduu Eebbe idmo:-
Gool FM. Read more about DEG DEG: Kooxda Jeenyo oo galabta xaaqday Somali Fruit, gashayna kaalinta labaad ee horyaalka Soomaaliya