Dowladda hoose magaaladda Hargeysa ayaa dhowaan amar ku soo rogtay in aan hoteeladda ka shaqayn Karin qof aan sidan warqad caafimaad

Shaqaalaha Hoteellada Somaliland oo 40-kii qof ee ugu Horreysay la siiyay Warqadda Caafimaadka ee lagu shaqeeyo
Sabti, November 09, 2013 (HOL) -- Ururka shaqaalaha hoteellada Somaliland ee BARKHAD ayaa sheegay inay afartankoodii qof ee ugu horeeyey ee hoteelada ka shaqeeyey isbaadheen, isla markaana soo qaateen waraaqihii caafiid ee cadaynayey caafimaadkooda.
Guddida shaqaalaha hoteeladda ayaa kulan la yeeshay Guddida arrimaha Bulshada ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, kaasi oo ay kaga wada hadlayeen sidii loo sugi lahaa ama loo baadhi lahaa Caafimaadka Shaqaalaha kala duwan ee ka shaqeeya Hudheelada.
kulan oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Ururka Shaqaalaha Hudheelada Somaliland ee BARKHAD Mr:Bashiir Sheikh Maxamed, Afhayeenka Ururkaasi Maxamed iimaan Ladane, qaar ka mid ah Guddida fulinta ee Ururkaasi , Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka iyo Agaasimaha arimaha Bulshada ee Dawladda hoose Hargeysa KhadarYuusuf.
Guddoomiyaha Ururka shaqaalaha Hudheeladda ee Barkhad Mr: Bashiir Sheikh Maxamed Cabdiraxmaan oo kulankaasi ka hadlay ayaa baaq u diray dhamaanba shaqaalaha kala duwan ee Hudheelada, isaga oo ugu baaqaya inay caafimaadkooda baadhaan, isla markaana ay iska soo diiwaangeliyaan xafiisyada kala duwan ee Ururkoodu u leeyahay Gobolada dalka.
"Halkan Maanta waxaan goob joog ah afartankii Shaqaale ee ugu horeeyey ee sida tooska ah loo baadhay Caafimaadkooda , waxaana shaqaalaha kala duwan ee Hudheelada ugu baaqaya inay iyana si toos ah iskaga Caafimaadkooda u baadhan"ayuu yidhi gudoomiyaha ururka hoteeladda Somaliland oo warbaahinta la hadlayey.
"Sababta Caafimaadka Shaqaalaha Hudheelada loo baadhaya waa in la badbaadiya Bulsho weynta reer Somaliland oo dhan"ayuu hadalkiisa raaciyey.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ururka Barkhad Organization Mr:Maxamed iImaan Ladane, ayaa dardaraan iyo dhiirigelin u diray Shaqaale weynaha Ururka Hudheelada ee Barkhad, waxaanu xusay in loo baahan yahay in si daacadnimo ku dheehan tahay in Shaqaaluhu Caafimaadkooda u baadhan, waxaanu xusay inay arintaas kala shaqeyn doonan Dawladda hoose Hargeysa.
Waxaa iyana halkaas ka hadlay Guddida Arrimaha Bulshadda Dawladda hoose Hargeysa oo sheegay inay arintan aad iyo aad u soo dhaweynayaan, isla markaana ay kaalintooda ka qaadan doonaan hawshan lagu baadhayo caafimaaka shaqaalaha hudheeladda guud ahanba dalka.
Dowladda hoose magaaladda Hargeysa ayaa dhowaan amar ku soo rogtay in aan hoteeladda ka shaqayn Karin qof aan sidan warqad caafimaad iyo in aan waraaqaha jaa'idka afka la iska marin Karin, maadaamo oo caafimad xumo ka dhalan karto, sidoo kale waxa usoo jeediyeen inay goobaha ku shaqaynayaan iyo weelka ay isticmaalayaan nadaafadooda la ilaaliyaa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlinebarkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Xigasho: Hiiraan
Mareegta caafimaadkawww.caafimaadka.com
e-mayl: editor@caafimaadka.com Read more about Dowladda hoose magaaladda Hargeysa ayaa dhowaan amar ku soo rogtay in aan hoteeladda ka shaqayn Karin qof aan sidan warqad caafimaad