Falcao oo SEEGI doona Koobka Adduunka iyadoo la magacaabay 23ka ciyaaryahan ee Colombia

415929_heroaWeeraryahanka xulka Colombia Radamel Falcao ayaa ku guul darreystay inuu kasoo kabsado dhaawaciisa halista ah ee jilibka kasoo gaaray, tababare Jose Peckerman ayaana ka reebay xulkiisa ka qeybgeli doona Koobka Adduunka.
Weeraryahanka Monaco ayaa dhaawac jilibka ah soo gaaray isagoo ciyaarayey kulan ka tirsan Coupe de France oo ay wajaheen kooxda Monts d'Or Azergues bishii January, inkastoo uu tababar la qaatay xulka intiisa kale, Falcao ayaan halis la geli doonin Koobka Adduunka ee xagaagaan.
23ka Ciyaaryahan Ee Colombia Uga Qeybgeli Doona Koobka Adduunka:
Goolhayeyaal: David Ospina; Faryd Mondragon; Camilo Vargas.
Daafacyada: Juan Camilo Zuniga; Pablo Armero; Santiago Arias; Eder Alvarez Balanta; Mario Alberto Yepes; Carlos Valdes; Cristian Zapata.
Qadka Dhexe: Carlos Sanchez; Abel Aguilar; Alexander Mejia; Freddy Guarin; Juan Guillermo Cuadrado; James Rodriguez; Juan Fernando Quintero; Aldo Leao Ramirez; Victor Ibarbo.
Weeraryahano: Jackson Martinez; Adrian Ramos; Teofilo Gutierrez; Carlos Bacca.
Use Facebook to Comment on this Post Read more about Falcao oo SEEGI doona Koobka Adduunka iyadoo la magacaabay 23ka ciyaaryahan ee Colombia