Feeryahankii hore ee Muhammad Ali oo Isbitaalka la dhigay kaddib markii..

large_131003-000309_to021013est_140414_61940_immagine_ts673_400
(Louisville), 21 December 2014 -Feeryahankii hore ee caanka ahaa ee Mareykanka Muhammad Ali ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla magaallada Louisville ee Gobolka Kentucky ee dalkaasi kaddib markii uu helay caabuq dhinaca Sambabada ah.
Afhayeen u hadlay Muhammad Ali oo lagu magacaabo 'Bob Gunnell' ayaa sheegay in halyeygii hore ee Feerka Miisaanka culus oo haatan 72 sano jir ah uu hayo caabuq xagga Sambabada ah, balse xaaladdisu aysan halis ahayn iyadoo la ogyahay in Muhammad uu muddo dheer qabay cudurka Shalalka 'Parkinson's Disease'.
Muhammad Ali ayuu Gunnel sheegay in uu muddo gaaban ku jiri doono Isbitaalka una rajaynayo caafimaad deg deg ah, waxaana Horyaalkii hore ee Feerka Miisaanka culus shaashadaha uu ka soo muuqdo ugu dambeysay Bishii September ee sanadkan markaas oo abaalmarin lagu guddoonsiiyay xarunta hay'addiisa samafalka ee 'Muhammad Ali Humanitarian'.
Gool FM

Read more about Feeryahankii hore ee Muhammad Ali oo Isbitaalka la dhigay kaddib markii..