Friedel oo xanaaq dartii caayay Barthez

Readers:575Goolhayaha Tottenham Hotspur Brad Friedel ayaa aflagaado u geystay goolhayihii hore ee France Fabien Barthez isagoo ugu yeeray "Jaahil xushmad laawe ah" markii uu ka xanaaqsan hadal uu yiri oo ahaa in goolhayaha xulka France Hugo Lloris uu booskiisa kowaad ee Premier League kaga mudan yahay isaga.
Lloris oo Tottenham ku soo biiray maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga ayaa waxaa lagu soo gatay 12 million oo pounds.
Friedel, ayaa 4tii kulan ee ugu horeysay horyaalka wada ciyaaray halka Lloris uu kursiga keydka fadhiyay laakiin kulankiisii ugu horeeyay wuxuu ahaa kii ay Europa League la ciyaareen Lazio habeenkii khamiista
Barthez, oo koobkii adduunka 1998 la qaaday France sidoo kalana Premier League u soo ciyaaray Manchester United intii u dhexeysay 2000 - 2004, ayaa u sheegay Le Parisien newspaper: "Lloris oo ka mid ah 5 goolhaye ee adduunka ugu fiican ma ahan inuu keydka u fariisto Friedel, maxaa yeelay wuu ka fudud yahay, wuu ka bootin wanaagsan yahay isla markaana maskax ahaan wuu ka fiicanyahay".
Friedel, oo 41 sano jir ah una soo ciyaaray Blackburn Rovers, Aston Villa ayaa hadalka Barthez si weyn ugu xanaaqay.
wuxuuna bogga uu ku leeyahay Twitter oo ah "@friedel_f" uu ku soo qoray.
"Sida caadiga uma jawaabo duqamadda marka ay xushmadda ka tagaan. Barthez waa jaahil xushmad laawe ah hana ii dhaafo magaceyga."
Share/Bookmark Read more about Friedel oo xanaaq dartii caayay Barthez