Geeraar Xiiso Badan Ballan Jaceyl Akhriso

GeeraarJaceyl ah misana ka xiiso badan kuwii hore ayaan Todobaadkan idin soo bandhigeynaa , waxaana jecelnahay inaan Kobcino Maskaxda Akhristaha si noloshiisa uhesho Farxad waa Lamaankiisa noloshee.
Hadaba Geeraarkaan Waxaan ugu Magac darnay BALLAN JACEYL sida magaca aad ka garanaysaana waa Ballan ay labadu Lamaane isla galaane.
Barigii aan ku bartaa
Ilaa bil iyo ayaamaa
U bukaa aragaaga
Bohoyow daraaddii
Bal inaan ku bogsado
Bartaada inaan arko
Beerkaad iiga taalaa
Bilicdaada qurxoon
Baan u bogaya anigee
Ballan ila wadaagoo
Bartamaha badweyntio
Bal inaan booqano
Beerihii Afgooyiyo
Bartamaha jannaalaa
Baashaal u aadnaa
Bartamaha jaceylkana
Beer wacan u fidinaa
Ballantaa iga aqbal

  • Source:Aduun.com

PdateM: 

2013-01-01 20:10:01 +0100