Golaha wakiiladda Somaliland Oo cod Aqlabiyad Ah ku Ansixiyay Wasiir Iyo Wasiirudawle

Hargeysa (Ramadnews.com) 27-09-2011, Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda Somaliland oo ay ka soo xaadireen 57 isla markaasna uu shirguddoominaayay guddomiyaha golaha wakiiladaa Ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Nuur Carraale (Duur) Iyo Wasiirudawlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan.
Ugu horayna xog-hayaha guud ee golaha wakiiladda ayaa mudanayaasha hortooda ka akhriyay degreetadii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo ku magacaabay labadan masuul iyo Taariikihdooda.
Intaasi ka dibna labadan masuul ayaa mid kasta la siiyay muddo shan daqiiqo ah , waxaana labadan masuul ay golaha hortiisa ka sheegeen waxyaalaha ay qaban doonaan, iyagoo golahana ka codsaday in ay siiyaan codka kalsoonida.
Ka dibna guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu golaha ka codsaday in ay labadan masuul midmid cod ugu qaadaan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ugu horayn goluhu cod aqlabiyad ah kaga ogolaadeen iscasilaaddii uu golaha u soo gudbiyay iyadoo ay ogolaadeen 57 mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin siddasna waxa lagaga ogolaaday iscasilaaddi intaasi ka dibna waxay mudanayashu u codeeyeen wasiirnimadiisa iyadoo ay codka siiyeen 56 mudane hal mudanena uu ka aamusay iyadoo guddoomiyuhuna aanu codayn.
Dhanka kale Dr.maxamed Rashiid SheeklhXasan ayaa isagana cod loo qaaday iaydoo ay ogolaadeen 57 mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin.
Sidaasna waxa labadaasi masuul ay ku heleen codka kalsoonida.
Hargeysa Head Office
Ramadnews.com
Contact: ramadnews@gmail.com
Wariye: Axmed Cabdilahi
Share