Gollaha Wasiirada Xukuumada KMG Ka Ah oo Diiday in Ay u Hogaansamaan Heshiiskii Kampala War-saxaafadeed

dowladaMuqdisho:War-Saxaafadeed ka soo Baxay kulan ay Gollaha wasiirada

 

 

 

Xukuumada KMG ka ah maanta ku Yeesheen Magaalada Muqdisho ayay

 

 

 

Ka soo saareen go,aano ay ka Mid Ahaayeen in aanay u

 

 

Hogaansamin wixii ka soo baxay shirkii Kampala ayna is Casileynin ka hor inta ay hortagayaan Gollaha Baarlamaanka KMG ka ah kaasoo ay ku xiran tahay Sharciyadda Ansixinta iyo kala noqoshada xilka Xukuumada KMG ka ah iyagoona dhinaca kale sheegay

in ay arkaan in danta dalka iyo dadkaba ku jirto in Hey,addaha KMG ka ah halsano loo kordhiyo si ay u dhameeyaan howsha ay wadaan War-saxaafadeedkii Gollaha Wasiirada Xukuumada KMG ka ah ayaa sidan u qornaa:-
                                         War-Saxaafadeed
Muqdisho, Sabti, 11 June 2011 – Shir ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shirguddoominayey
Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed
(Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin geeridii shalay ku timid Wasiirkii
Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, muddaaharaadyadii labadan cisho ka
dhacayey waddanka gudihiisa iyo waddamada dibedda iyo heshiiskii Kampala.
Golaha Wasiirada waxey ka tiiraanyeysan yihiin geeridii naxdinta laheyd ee ku timid
Marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan Farax, Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga
Qaranka oo ku geeryooday qarax argagaxiso oo ay soo qorsheeyeen kooxaha xagjirka
ah ee khawaarijta ah ee diiddan nabadda dalka. Golahu waxa ay tacsi u direen
dhammaan shacabka Soomaaliyeed, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday
marxuumku.
Golaha Wasiirada waxay soo dhoweeyeen, rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee
dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo ay ku muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda
Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo xukuumaddiisa. Taasoo ah markii
ugu horreysey ee taariikhda Soomaaliya oo ay shacabka si hagar la’aan ah u
muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda.
Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Maxamed (Farmajo) waxa uu golaha siiyey warbixin ku saabsan kulamadii iyo
heshiiskii Kampala. Kadibna Golahu waxay ka doodeen qoddobada heshiiskii Kampala
waxayna go’aamiyeen arrimahan:
1. In heshiiska Kampala u baahan yahay in la horgeeyo Baarlamaanka, lana
waafajiyo Axdiga KMG ah iyo shuruucda dalka u degsan.
2. Is-casilaadda Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu iyo hirgelinta qoddobada
kale ee heshiika Kampala waxay ku dhaqan-geli karaan oggolaanshaha
Baarlamaanka Soomaaliya. Golaha Wasiiraduna waxay diyaar u yihiin inay
aqbalaan go’aanka Baarlamaanka.
3. Golaha Wasiirada waxay weli u arkaan in danta dalka iyo dadka ay ku jirto in
muddo hal sano ah dib loo dhigo doorashada madaxda Qaranka, si
Xukuumaddu u dhameystirto howlaha qabyada u ah; waxayna diyaar u yihiin in
ay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed, wadashaqayn buuxdana la yeeshaan
Hay’adaha Dastuuriga

ah ee dalka.
- DHAMAAD

buqaqable.net

Filed under: "somalia, Buqaqable


Last Posted
RT @AbukarArman: #Somala #Kenya STIRRING THE #SOMALI WATERS: TOWARD A MARITIME OIL WAR? http://t.co/bWR0A9AoFA #ContinentalShelf #Norway #j… 06/11/2013 - 16:13
RT @AIPRny: #Ethiopia #Somali #genprev #Ogaden Refugees Fleeing Government Persecution: Voices From #Dadaab - Ogaden Online http://t.co/pss… 06/11/2013 - 16:04
RT @AbukarArman: #Somala #Kenya STIRRING THE #SOMALI WATERS: TOWARD A MARITIME OIL WAR? http://t.co/bWR0A9AoFA #ContinentalShelf #Norway #j… 06/11/2013 - 16:04
RT @AbukarArman: #Somala #Kenya STIRRING THE #SOMALI WATERS: TOWARD A MARITIME OIL WAR? http://t.co/bWR0A9AoFA #ContinentalShelf #Norway #j… 06/11/2013 - 16:01
RT @AIPRny: #Ethiopia #Somali #genprev #Ogaden Refugees Fleeing Government Persecution: Voices From #Dadaab - Ogaden Online http://t.co/pss… 06/11/2013 - 16:00
#Ethiopia #Somali #genprev #Ogaden Refugees Fleeing Government Persecution: Voices From #Dadaab - Ogaden Online http://t.co/pssA05iF2D 06/11/2013 - 15:59
RT @AbukarArman: #Somala #Kenya STIRRING THE #SOMALI WATERS: TOWARD A MARITIME OIL WAR? http://t.co/bWR0A9AoFA #ContinentalShelf #Norway #j… 06/11/2013 - 15:59
#Somala #Kenya STIRRING THE #SOMALI WATERS: TOWARD A MARITIME OIL WAR? http://t.co/bWR0A9AoFA #ContinentalShelf #Norway #jubbaland #Kismayo 06/11/2013 - 15:58
RT @QaliFar: The #Somali "fadhi ku dirir" went too far & take over the minds of Somali politicians 06/11/2013 - 15:50
The #Somali "fadhi ku dirir" went too far & take over the minds of Somali politicians 06/11/2013 - 15:37