Horumarinta ciyaaraha Jubbaland + sawiro

KISMAAYO (CIYAARO)-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland State Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) ayaa u muuqda mid iminka usoo jeestay dar-dar gelinta iyo Horumarinta Cayaaraha deegaanada maamulkaasi gaar ahaan Jubadda hoose,markii todobaad gudihiis labo jeer kulamo la qaatay Bahda Sportiga ugu caansan Jubooyinka.
Gudiyada Cayaaraha ee uu iminka qaabiley Madaxweyne Axmed madoobe ayaa waxa hogaaminayey Suldaan Maxamed Suldaan Deeqow oo kamid ahaa Cayaaryahanadii kooxdii HORSEED ee dalka dibadiisa kasoo laabtay,sidoo kale Gudoomiyaha Kubadda cagta ee sadexda Gobol Jubaland Cabdi-Maxamed Axmed (Cabdi-Xaq) oo isaguna kamid ahaa cayaaryahanadii caanka ahaa ee Jubadda hoose iyo Madaxa Olombikada Jubada hoose Aden Cabdi qeyliye (Sanka) iyo qaar kale.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa dhaq dhaqaaqa Sportiga ee sadexda Gobol gaar ahaan midka Jubada Hoose iyadoo uu madaxweynuhu horey u balan qaaday inuu dhiirigelin iyo gacanba ka geeysan doono howlaha ay iminka wadaan bahda Kubadda cagta,wuxuu halkaasi ku qirey in Sportigu kaalin wanaagsan ka qaato Nabadda Gobolada Jubaland iyo guud ahaan dalka,sidaasi darteed uu ku qasban yahay inuu dhiirigeliyo.
Gudoomiyaha kubadda cagta Jubaland Cabdi Xaq ayaa sheegay in Madaxweynaha uu bixiyey agabkii abaal-marinada sadexda kooxood ee safka hore kasoo gashay tartankii kubadda cagta ee garoonka WAAMO lagu soo gabogabeeyey,sidoo kale inuu Cowska Macmalka dhigi doono isla markaana dayactir kale lagu sameeyn doono garoonka weyn ee Waamo,sidoo kale dib u dhis lagu sameeyn doono garoonkii Centerka ee kubadda koleyga Kismaayo,sidoo kale uu iibin doono ilaa 5 gawaari isugu jira kuwo kooxaha isticmaalaan iyo kuwo gudiyada loogu adeegi doono sida ugu dhaqsiyaha badan.
Waa kulankii labaad mudo todobo cisho gudaheed oo uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe la kulmayo gudiyada Cayaaraha ee Jubbaland State,waxayna tani dhiirigelin u tahay horumarinta qeybaha kala duwan ee Sportiga maamulka gaar ahaan jubadda hoose oo iyadu hormuud u ahayd dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.
Cabdi Xaq Max"ed Axmed oo kal hore loo doortey Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jubaland State ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu kulahaa magaca Kubadda cagta ee J/hoose isagoo koobabkii ugu badnaa ee ay ku guuleystaan J/hoose gacan weyn ka geeystay,isagoo dhanka kale tababare kasoo noqdey dalka dibadiisa gaar ahaan Austrelia,wuxuuna heystaa Shahaadooyin dhinaca Tababarka iyo maamulka Kubadda cagta ah oo dibadda kasoo qaatay.
1 2 3 4 A B
W/D: C/Xafiid C/samad Zaciimka
E-Mail:Zaciimka02@hotmail.com
Share/Bookmark Read more about Horumarinta ciyaaraha Jubbaland + sawiro