Ilkay Gundogan oo Isbuucaan kula la yeelan doona Barcelona xilli laga yaabo inuu ku biiro xagaagaan (Warbixin)

Gundogan 8Saraakiil ka socota Barcelona ayaa Isbuucaan la kulmi doona xiddiga qadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Ilkay Gundogan, sida uu ku waramayo wargeyska Mundo Deportivo.
Wargeyska kasoo baxa Catalonia, oo soo xiganaya ilo ku sugan Germany ayaa intaas ku daraya in haddii ay wadahadaladu noqdaan kuwo guul ku dhammaada markaas Gundogan lagu dhawaaqi doono inuu yahay ciyaaryahan Barcelona ah ugu horreynba Isbuuca soo aadan.
Qandaraaska uu Gundogan kula jiro Borussia Dortmund ayaa dhacaya 2016ka, kooxda reer Germany ayaana isha ku heynin inay ku lumiso beeca xorta ah.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu bilowdo loolan u dhexeeya kooxaha Barca iyo Bayern Munich haddii uu Gundogan sii joogo Borussia Dortmund illaa bisha January ee sannadka soo aadan markaasoo uu qandaraas hordhac ah u saxiixi karo koox kale ka hor inta uusan si xor ah ugu biirin xagaaga 2016ka. Read more about Ilkay Gundogan oo Isbuucaan kula la yeelan doona Barcelona xilli laga yaabo inuu ku biiro xagaagaan (Warbixin)