Jaamacad Maraykan Ah Oo Marwo Edna Adan Guddoonsiisay Abaal Marino Caalami Ah Oo Ku Mataysatay Daryeelka Caafimaadka Haweenka Iyo Carruurta Dunida

(Hadhwanaagnews) Friday, March 21, 2014 19:43:13
Abaalmarintan oo si caalami ah loo guddonsiiyo shakhsiyaadka loo aqoonsado in ay wax ka qabteen daryeelka caafimaadka haweenka iyo dhalaanka iyo waxka qabashada barashada aqoonta caafimaadka ayaa sidoo kale waxa ka qeyb ah lacag kaash ah
Pennsylvania -(HWN)- Jaamacad caalami ah oo ku taala dalka Maraykanka ee University of Pennsylvania School of Nursing Renfield Foundation, ayaa sahamin caalami ah oo ay ku qiimaysay shakhsiyaadka u olloleeya wax ka qabadka horumarinta caafimaadka haweenka iyo carruurta ku abaal mariyay Jaa'isad caalami ah Marwo Edna Edan.
Abaalmarintan oo si caalami ah loo guddonsiiyo shakhsiyaadka loo aqoonsado in ay wax ka qabteen daryeelka caafimaadka haweenka iyo dhalaanka iyo waxka qabashada barashada aqoonta caafimaadka ayaa sidoo kale waxa ka qeyb ah lacag kaash ah oo dhan $ 100,000 oo labadii sannaba lagu soo bandhigo cida ugu wanaagsan waxkaqabashada horumarka caafimaadka haweenka ee dunida.
Marwo Edna Adan . ayaa ahayd gabadhii u horaysay ee ardayad Somaliland ah ee deeq waxbarasho u
tagta dalka Britain, halkaas oo ay ka soo baratay kalkaalinta umulisooyinka , iyo maaraynta daryeelka bukaanka muddo toddobo sano ah . waxaanay ahayd ummulisooyinkii u horeeyay ee aqoonta heerka sare ah lahaa ee ay Somaliland yeelato, iyada oo markii danbe noqtay marwadii kowaad ee dalka.
Sannado kaddib, waxay Marwo Edna Adan Ismail, ay bilawday in ay si xoog leh ugu ollolayso dabar-goynta caado dhaqameedka gudniinka fircooniga ah ee dumarka Female Genital Mutilation (FGM), iyada oo muddo dheer la soo shaqaynaysay Urrurka caafimaadka Dunida ee (WHO), Intaa kaddib-na waxa ay dib ugu soo laabatay markii ay burburtay dawladii Somaliya dalka Somaliland oo xornimadiisa dib ula soo noqday, waxaanay si hawl-karnimo ah ay ugu hawl gashay oo ay hantididii ay lahayd oo dhan iyo u hurtay in ay caasimada Somaliland ee Hargeisa ay ka dhisto Cusbitaalkii u horeeyay ee dhalmadda ee Edna maternity hospital.
Abaal marintan caalamiga ah ee la gudoonsiiyay Marwo Edna Adan ayaa ah mid ay u qalanto oo ay ku mutaysatay hawlaha badan iyo dadaadlka ay gelisay wax ka qabashada horumarinta daryeelka caafimaadka haweenka iyo carruurta ee uu bixiyo Cusbitaalkeedu , iyo weliba sida ay u der-der-gelisay kor u qaadista adeegyadda iyo aqoonta Cusbitaalka Edna Mernity Hospital, si ka saraysa sidii uu hore u ahaan jiray, waxaana Cusbitaalkan ku dhashay intii uu jiray ay ku dhasheen in ka badan Labaatan Kun oo carruur ahi.
Marwo Edna oo waxa laga weydiiyay dareenkeeda ku wajahan abaal marintan caalamiga ah ayaa si weyn ugu khushuucday in ay si aad ah ugu faraxsan tahay in ay abaal marintan ka gudoonto Jaamacadda.
Adeegyadda Caafimaadka dadka reer Somaliland oo ka mid ahaa kuwa ugu xun Africa waxaanu ka mid yahay heerarka ugu sarreeya dhimashada hooyada iyo dhallaanka ee dunidaa, balse tan iyo markii la furay cusbitaaalka Edna Adan Meternity Hospital, badhtamihii sanadkii 2002-ka, ayaa si mug leh wax uga badalay nolosha haweenka iyo carruurta Somaliland, waxaanu Cusbitaalkani ku guulaystay suurta-gelinta n ay Afar iyo Toban Kun oo carruur ahi ay u soo dhashaan si badbaado ah, taas oo hoos u dhigtay afar meeloodow meel ahaan heerkii dhimashada caruurta soo dhalata ee Somaliland, Sidoo kale, waxa uu cusbitaalkani uu qaliino dhinaca makaanka Ilmo galeenka ah oo lagu guulaystay uu ku sameeyay in ka badan Seddex Boqol oo haween ah.Dhinaca kale Cusbitaalkani waxa uu si heer sare ah ugu guulaysatay intii uu furnaa in uu soo saaro kalkaaliyayaal caafimaad oo takhasuus ah oo aqoon heer sare ah leh oo aad u tiro badan kuwaas oo daboolay baahidii caafimaadka ee ay qabeen dadka Somaliland.
Taageeridda iyo abaal marintan caalamiga ah ee ay kasbatay Marwo Edna ayaa lagu qiimeeyay shaqada iyo dadaaladda muuqda ee ay ka qabatay caafimaadka haweenka iyo carruurta iyada oo. Tan iyo sannadkii 2009-kii ay , Nursing Penn ayaa ka qayb qaadatay qiimaynta ku dhowaad 1,200 oo qof oo la eegayo sida ay wax uga qabteen abuurista daryeelka caafimaadka dumarka iyada Marwo Edna Adan ay sanadkana ka gashay qiimayntan caalamiga ahkaalnita koowaad
Madaxweynaha Renfield Beatrice Foundation , aasaasaha of Nursing Penn Foundation Award Renfield, oo hadlay ayaaa yidhi . " Caafimaadka iyo ammaanka dumarka ayaa dheeraa saamaynta , abaalmarintani waxay horseedi doonta, baraarujin ku saabsan arrimaha soo food saaray dumarka iyo gabdhaha maanta iyo dhiirigelinta xal cusub si loola tacaalo dhibaatooyinkaas ".
Dhinaca kale, Abaal marintan caalamiga ah ka sokow, waxa ay Marwo Edna Adan, ay Jaamacaddani ku maamuusi doontaa xaflada ay Jaamacadda University of Pennsylvania qabanayso ee lagu godoonsiimayo abaal marintan bisha May ee sanadkan 2014-ka, honorary Doctor of Humane Letters from the at its 2014
SI AAD U AKHRISATO WARKAN OO DHAMAYSTIRAN GUJI LINK-GAN HOOSE
http://www.newswise.com/articles/edna-adan-penn-nursing-s-inaugural-renf...
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
himilo_10@yahoo.com
Tel 00252 63 3538833
Hadhwanaagnews.com/Officenews
Hargeisa/Somaliland
Xigasho: Hadhwanaagnews Read more about Jaamacad Maraykan Ah Oo Marwo Edna Adan Guddoonsiisay Abaal Marino Caalami Ah Oo Ku Mataysatay Daryeelka Caafimaadka Haweenka Iyo Carruurta Dunida