Kaka oo aan wax mushaara ka rabin Milan

Xiddiga khadka dhexe ee AC Milan Kaka ayaa u sheegay kooxdiisa in uusan ka rabin wax mushaar ah ilaa iyo inta uu ka soo caafimaadayo kadib markii kulankiisii ugu horeeyay uu dhaawac ka soo gaaray seedka cajirkiis midiga.
Ciyaaryahanka rear Brazil oo, 31 sano jir ah ayaa waxaa badal ciyaarta looga saaray daqiiqadii 70d kulankii ay Rossoneri 2-2 bareejadda ah la gashay Torino taasoo uu captain ka ahaa.
Kaka ayaa Milan ku soo laabtay horaantii bishaan markii uu ka soo tagay Real Madrid taasoo 2009 kii ku gadatay adduun dhan PS56m.
"Wax aan ka rabo ma jiraan Milan, oo an ka aheyn jeceyl iyo taageero, ilaa inta aan ka soo bogsoonayo isla markaana aan diyaar u noqonayo in aan ciyaaro," ayuu ku yiri war muuqaal ah oo uu soo saaray.
Kaka wuxuu intaa ku daray in uu la hadlay gudoomiye ku xigeenka Milan Adriano Galliani iyo dhaqaatiirta kooxda. Laakiin lama oga in Milan ay ka aqbali doonto codsigiisa.
Kaka, sanadkii 2007 wuxuu noqday xiddiga adduunka, 268 kulan ayuu u saftay Milan intii u dhaxeysay 2003 ? 2009, isagoo u dhaliyay 95 gool. isagoo la qaaday Serie A 2004 iy 2007 Champions League.
Google+Share/Bookmark Read more about Kaka oo aan wax mushaara ka rabin Milan