Kevin Strootman oo 8 bilood kaddib dib ugu soo laabtay kooxda Roma

strootanjffn
(Roma), 08 November 2014 -Laacibka Khadka Dhexe ee kooxda Roma ee Waddanka Talyaaniga Kevin Strootman ayaa 8 bilood kaddib dib ugu soo laabtay kooxdiisa Roma waxaana uu diyaar u yahay ciyaarta ay Roma berri la ciyaarayso kooxda Torino.
Waa markii ugu horreysay ee loo yeeray ciyaaryahankan Reer Holland tan iyo markii uu dhaawaca jilibka ka soo gaaray Bishii Maarso ee horraantii sanadkan.
Weli kooxda Roma waxaa dhaawac ahaan uga maqan rag ay ka mid yihiin; Leandro Castan, Davide Astori, Douglas Maicon, Jose Holebas, Federico Balzaretti, Gianluca Curci and Marco Borriello.
Xiddigaha Roma berri u safanaya:
Calabresi, Cole, De Rossi, De Sanctis, Destro, Emanuelson, Florenzi, Gervinho, Iturbe, Keita, Ljajic, Manolas, Yanga-Mbiwa, Nainggolan, Paredes, Pjanic, Sanabria, Skorupski, Somma, Strootman, Torosidis, Totti, Ucan, Verde.
Gool FM

Read more about Kevin Strootman oo 8 bilood kaddib dib ugu soo laabtay kooxda Roma