Koox reer EPL ah oo lacag badan u joogta Paul Pogba!

(Torino) 12 Juunyo 2015 - Sicirka laacibka khadka dhexe ee Juventus ee Paul Pogba ayaa iminka gaarey EU80m oo euro kadib markii uu dalab cusub cusubi ka yimi dhanka maalqabeennada Manchester City.
Laacibkan oo uu French Football ku naanaysay 'Dahab qayriin' ayaa waxaa si aan qarsoodi lahayn bartilmaameed u ahaa Real Madrid, Barcelona, Paris Saint-Germain, iyo sidoo kale Citizens.
Sida uu dhigayo La Gazzetta dello Sport, kooxdan EPL ayaa kordhisay lacagta lagu doonayo Pogba, iyadoo ka sara martay PSG oo la taagnayd EU70m, waxaanay kooxda Buluug-Cireedku la diyaar tahay EU80m.
Xidig-yarahan 22-jirka ayuu wakiilkiisa fursad gaadka ah ee Mino Raiola wuxuu u arkaa nin u qalma EU100m iyadoo la sheegayo in Juventus aysan sidaa u eegi doonin dalab ka yar EU85m oo euro taasoo ay faa'iido badan ka helayso marka la eego si uu kusoo galay.

Gool FM Read more about Koox reer EPL ah oo lacag badan u joogta Paul Pogba!