Kulan xus ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa maanta, ayaa lagu soo bandhigay cudurrada halista ah ee ka jira dalka
Hargeysa (SDWO 07/04/2012) – Kulan xus ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa maanta, ayaa lagu soo bandhigay cudurrada halista ah ee ka jira dalka iyo dhibaatooyinka caafimaad-darro ee ay sababaan qaar mid ah waxyaabaha dadku cunaan ee la dhaaddan yahay.
Kulankan oo qayb ka ahaa xuska maalinta caafimaadka adduunka oo ku beegan 7-da bisha April oo sannad kasta caalamka laga maamuuso, sannadkana hal-ku-dheg looga dhigay ‘caafimaad qabkaagu waa cimri-dherer,’ oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Caafimaadka oo iyadu soo qabanqaabisay, isla markaana ka qaybgaleen masuuliyiinta wasaaraddaas, dhakhaatiir, wakiillo ka socday qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo shaqaale kala duwan, waxa lagu shaaciyey in dhibaatooyin badan oo caafimaad-darro oo haysta dadka reer Somaliland ay ka dhashaan waxyaabaha la cuno ama la cabbo iyo weliba nolosha reer magaalnimo, kuwaas oo aan shacabku la socon waxyeelladooda.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in cudurrada halista ah ee macaanka, dhiig-karka, wadno-xannuunka, faaliga ama qalalka ay sabab u yihiin wayaabaha la cuno ama la cabbo ee ay ka mid yihiin qaadka, sigaarka, shiishadda, saliidda, subaga ama dufanka iyo weliba nolosha reer magaalnimada ee wadata fadhiga ama gaadiidka socod la’aanta ah.
Waxa xuskaasi laga sheegay in daraasad dhawaan laga sameeyey cabbitaanka sigaarku caddaysay in xabbad kastaa qofka ka gayso toddoba daqiiqo oo cimirigiisa ka mid ah, sidaa darteedna qofka maalintii cabba 20 xabbo oo sigaar ah ay ka go’an yihiin 120 daqiiqo oo cimrigiisa ka mid ah.
Madaxa Xafiiska WHO ee Hargeysa Marwo Aasiya Cismaan oo ugu horreyn kulankaas ka hadashay, ayaa sheegtay in arrimaha cimri degdegga eek u dhaca bulshada Somaliland ay sabab u yihiin qaadka, sigaarka iyo shiishadda (badeeecada), kuwaas oo keena xannuunada faaliga iyo wadno-xunuunka.
“Halka mar ee aad nuugto bahasha shiishada la yidhaa waxay u dhigantaa 33 sanno xabbo oo sigaar ah. Waxaad arkaysaa ilmo yar oo 25 jir ah oo macaan iyo dhiig-kar leh oo ay ku sababeen qaadka iyo sigaarku,” ayey tidhi Aasiya Cismaan.
Mr. Axmed Maxamed Jaamac oo ka socday hay’adda UNICEF, ayaa isna sheegay in qaabka bulshada reer Somaliland u nool yihiin uu qayb weyn ka qaato caafimaad-darrada dalka ka jirta iyo cimri-degdegha haysta, “Waxaynu u baahanahay in si wadajir ah la isugu taxaluujiyo cuntooyinka la cuno, goobo lagu jimicsado iyo waxyaabaha caadooyinka dadku isticmaalaan sidii wax looga qaban lahaa. Cudurrada maanta jira ee ay ka midka yihiin macaanka, dhiig-karta iyo qalalkaba waxa sababa qaab-nololeedkeena. Waxaynu u baahannahay in aynu mujtacameena ka wacyigelinno dhibaatada,” ayuu yidhi Mr. Axmed Maxamed.
Agaasimaha Ururka Kalkaaliyayaasha Caafimaadka Somaliland Marwo Foosiya Cali Ismaaciil, ayaa ka sheekaysay waxyaabaha caafimaad-darrada keena, waxaanay tidhi; “Waxa jira saddex cadow oo aad halis u ah oo kala ah; dufanka, sonkorta iyo milixda, kuwaas oo inta badan keena cudurrada dadkeenna haya maanta.
Anigu aad baan ugala talinayaa dadkeena caagadahan waaweyn ee saliiddan bakhaarradeenu iibiyaan. Haddii aad u fiirsataan saliidaa waqtiga qaboobaha sida subaga ayey fadhiistaa. Waxyaabo kale ayaa iyaguna jira oo ay ka mid yihiin fikirka ama diiqada, dhaqdhaqaaq la’aanta. Anigu waxaan ka codsanayaa dhakhaatiirta iyo wasaaraddaba in aynu samayno barmaamuj baaxad leh oo ku wajahan in dadka laga wacyigeliyo dhibaatooyinkan.”
Guddoomiyaha Komishanka Qaranka ee La-dagaalanka HIV/AIDS Mr. Maxamed Daahir Khayre oo ka mid ah masuuliyiinta kulankaas ka hadlay, waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in hab-nololeedka magaalooyinka ee ay ka mid ka yihiin socod la’aan ama jimicsi la’aanta, cabbitaanka sharaabka sonkorta leh, baradha iyo buskadada aadka loo cuno ay keenaan cudurro badan oo dalka ka jira, waxaannu bulshada ugu baaqay in arrimahaas la iska daayo.
“Bulshada reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa aynu ku ballanno maalin la ordo toddobaadkii ama bishiiba oo dadku soo baxo oo qof weliba inta itaalkiisa ah uu jimicsado. Wasaaradda Ciyaaruhu waa inay garoomada iyo ciyaaraha dhiirrigeliso,” ayuu yidhi Mr. Khayre.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mr. Cabdi Axmed Nuur, ayaa xusay in ka sakow qoraalka Alle uu cimri-dhererka qof bini’aadamka ku yimaad daryeelka caafimaadka ee caalamku ka midaysan yahay, balse dhibaatada dadka Soomaalida ah haysataa tahay jimicsi ama dhaqdhaqaaq la’aan, taas oo keenta in qofku markuu waynaado uu dhulyaal noqdo.
Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan oo kulanka soo gunaanaday, ayaa ka digtay dhibaatada caafimaad-darro ee cunista qaadka, “Cudurradaa badan ee la soo sheegay ka sakow waxa dalkeennii ku badan xannuunka dhimirka oo inkastoo qiyaas sax la hayn gaadhaysa ilaa 4%, waxana sabab u ah hab-nololeedka cusub ee la bartay iyo balwadahan uu ka midka yahay geedka qaadka oo iminka la soo sumeeyo. Sidaa awgeed, waxaan ragga ku dhiirrigelinyaa; waar qaadkan dhaadheer eed cunaysaan ee wadkaa idiin soo dedejinaya waa in aad iska daysaan. Dadka Itoobiya ee beertaa sidaynu u isticmaalo uma cunaan, laakiin cidda ay qaadka u soo beeraan iyo cidday u soo sumeeyaanba waa innaga.
Cuntooyinka aynu cunnaa waa samays sida bariiska, sonkorta iyo saliidda, lamana kaantaroolo, balse dadkiinnii waxaabay ka xanaaqayaan inay cunaan cuntooyinka dalkeenna ee aynu beeranno ee caafimaadka qaba,” ayey hadalkeeda ku soo gebagabaysay Wasiir-ku-xigeenku.
Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa
sirshiine@yahoo.com
Xigasho: SDWO
















