Lamaane kala fog Talefon ma kuwada raaxeeysan karaan?. “Aqriso Jawaab Diini ah”

Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in la ogaado su'aasha ah , Lamaanaha is qaba ee xalaasha isku ah maku raaxeeysan karaan Taleefanka.
Sida sharciga islaamka ku soo aroortay ninka xaaskiisa wax kasta oo uu ku raaxaysan karo waa ku samayn karaa wixii daliil khaas ah ku soo arooray mooyee,
Allaah wuxuu yiri { nsw'km Hrth lkm f'tw Hrthkm 'n~ shy'tm } (Naagihiina waa beerihiina ugu taga beerihiina saad doontaan ) Alle wuxuu kaloo yiri :
walaWdhiyna hum lifuruwjihim HafiZuwna* ilaW `ala~ 'azwajihim 'w ma malakat 'aymanuhum fainaWhum Gayru maluwmiyna
((mu'miniinta) waa kuwa ilaaliya farjigooda xaaskooda mooye iyo wixii gacantooda xanatay oo addoon ah,dadka doona arrinkaas wixii ka soo haray waa kuwa xadgudbay)
Marka xaaska wax kasta raaxaysi ah waad ku samayn kartaa istiin sheeko galmo Alle ayaa kuu banneeyey, marka waxaa isweydiin mudan ma bannaantahay ninka inuu xaaskiisa taleefan ugu raaxeeyo ?
Culimo qaarooda waxay dheheen haddii uu hadalkeeda ku gudan karo uuna u baahanaynin gacantiisa way bannaantahay laakin haddii uu u baahdo inuu gacantiisa isticmaalo ma u bannaana waa seego culimada qaarkooda waxay eegeen haddii qofka uu ka fogyahay oo ka baqayo inuu sino ku dhaco waa samayn karaa raaxada taleefanka xitaa haddii uu gacanta ku dhamaystirto maxaayeelay madaahibta islaamiga qaar baa qaba haddii qofka uu ka baqo sino inuu biyaha iska bixin karo waxaana laga wariyay imaam axmad,
Caalimka la oran jiray ibn xazm isaga seegada wuu banneyeyba wuxuu daliilsaday wqd fSl lkm m Hrm `lykm (Alle waa idin faahfaahiyey waxa uu idinka xarrimay)
Su'aashan waxaa la weydiiyay Sheekh ibn cuthaymiin wuxuu ku jawaabay waa banaantahay qofka inuu ugu raaxeeyoo xaaskiisa taleefanka laakin inuu gacantiisa adeegsado ma u bannaana haddii uu sino ka baqo mooyee. marka waxaan kaloon ku dari lahaa qofka la sheekaysanayo xaaskiisa waa inuu iska jiraa taleefanka maxaayeelay waxaa laga yaabaa ina la din dhegeyso.

PdateM: 

2012-11-23 00:32:49 +0100