Lixdii final ee aan la iloowi karin taariikhda UEFA Champions League ka hor finalka Barcelona iyo Juventus

Lixda FinalBarcelona iyo Juventus ayaa foodda isku dari doona finalkii 60aad ee European Cup ama tartanka aad haatan u garaneyso UEFA Champions Legaue caawa oo Sabti ah marka ay ku kulmaan garoonka Olympic Stadium ee caasimadda Berlin ee dalka Germany.
13kii bishii June sannadkii 1956dii ciyaar ka dhacday garoonka PSG ee Parc des Princes, Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobkii ugu horreeyey ee European Cup ka dib markii ay 4-3 ku garaacday kooxda Stade de Reims. waxaana halkaan kusoo qaadan doonaa lixdii final ee ugu xusuusta badnaa taariikhda tartankaan.
Sannadkii 1960kii. Real Madrid vs. Eintracht Frankfurt (7-3): Finalkii Ugu Goolasha Badnaa.
Garoonka taariikhiga ah ee caasimadda Glasgow Hampden Park ayaa martigeliyey mid ka mid ah kulamadii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta. Ferenc Puskas ayaa afar gool dhaliyey, halka uu seddaxleey dhaliyey Alfredo di Stefano, iyadoo Los Blancos ay tartanka hanatay.
Sannadkii 1974. Bayern Munich vs. Atletico de Madrid: Finalka Keliya Ee Lagu Celiyey.
Atletico Madrid ayaa koobka jeebka ku heysatay iyadoo hal daqiiqo ay ka dhimman tahay waqtigii dheeriga ahaa ee finalkii Brussels. Si kastaba ha ahaatee, goolkii Schwarzenbeck ayaa ciyaarta u diray ku celis. Bayern Munich ayaana kulankii ku celiska ahaa ee finalka ku badisay 4-0 iyadoo ay min laba gool u kala dhaliyeen Uli Hoeness iyo Gerd Muller.
Sannadkii 1985. Juventus vs. Liverpool (1-0): Musiibadii Heysel.
Inkastoo ay 39 shaqsi noloshooda waayeen isla markaana ay kumanaan dhaawacmeen, kulankaan ayaa la ciyaaray sidii horay loo qorsheeyey. Juventus ayaana tartanka hanatay iyadoo uu rigoore goolka guusha ugu dhaliyey Michel Platini.
Sannadkii 1986. Steaua Bucharest vs. Barcelona (0-0. Rigooreyaal 2-0 Ah): Finalkii Niyadjabka.
Kooxdii Terry Venable see Barcelona ayaa tartanka ugu cadcadeyd iyadoo lagu ciyaarayey ciidda Spain gaar ahaan garoonka Seville. Laakiin shabaqa sooma aysan taaban xitaa markii rigooreyaal la isla aaday. Goolhayihii reer Romania Duckadam ayaana ahaa geesigii habeenkaas.
Sannadkii 2005. Liverpool vs. AC Milan (3-3. Rigooreyaal 3-2 Ah) Soo Kabsashadii Soo Kabsashooyinka Oo Dhan.
Iyadoo 3-0 hogaanka looga hayey waqtigii nasashada, Liverpool ayaa ciyaarta kusoo laabatay iyadoo ka dhigtay 3-3 isla markaana waqti dheeri ah u dirtay. Waxay aheyd soo kabsasho taariikhi ah oo lagu xusuusto wiilashii tababare Rafael Benitez oo ka yaabsaday dhiggoodii Carlo Ancelotti isla markaana tartanka rigooreyaal ku qaaday markoodii shanaad.
Sannadkii 2011. Barcelona vs. Manchester United (3-1) Qaab Ciyaareedkii Aan Horay Loo Arag.
Kooxdii Pep Guardiola ee Barcelona ayaa si buuxda ugu awood sheegatay Manchester United dhan kasta oo ciyaarta ah. Iyadoo tababarihii halyeeyga ahaa Sir Alex Ferguson uu u jawaabi waayey qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee Barcelona ee ay horboodayeen Xavi iyo Messi. Read more about Lixdii final ee aan la iloowi karin taariikhda UEFA Champions League ka hor finalka Barcelona iyo Juventus