Macluusha ka jirta Soomaaliya oo lagu tilmaamay mid la abuuray oo dabiici ahayn

Bankiga adduunka ayaa sheegay in macluusha iyo baahida ka jirta geeska Afrika ay tahay mid la sameeyay isla markaana ay sabab u tahay sicir bararka aan runta ku salaysnayn ee dhinaca raashinka Bariga Afrika.

 

Dhaqaalyahan ka tirsan Bankiga adduunka oo lagu magacaabo Wolfgang Fengler oo u waramayay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in abaartu ay hore u dhici jirtay, isla markaasna ay mar labaad dhacayso, laakiin ay jirto siyaasad xumo la sameeyay oo la xiriirta waxa sababay macluusha ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

 

Mr. Fengler ayaa sheegay in qiimaha galayda, masagada iyo Haruurka ay yihiin kuwo qiimo ahaan ka sareeya adduunka intiisa kale, sababtuna waxa ay tahay ayuu yiri iyadoo awoodda maamul ee dhinaca sicirka ay gacanta ugu jirto suuqleyda Gudaha ee iyagu iibiya badeecooyinka noocyadooda kala duwan isagoo tusaale u soo qaatay dalka Kenya oo uu sheegay in qiimaha Galeyda iyo Qamadiga ay 60 ilaa 70 boqolkiiba qiimo ahaan ka sareeyaan adduunka intiisa kale, waxaana taas ugu wacan ayuu yiri tiro yar oo ah dadka beeralayda ah oo iyagu siday doonaan ka yeela sicirka raashinka bariga Afrika.

 

Bankiga addunka ayaa intaasi ku daray in qiimaha cuntada ay ku korortay 33 boqolkiiba laga soo bilaabo bishii Jully ee sanadkii la soo dhaafay, iyadoo  sanadkii 2008-diina uu gaaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana Galeyda iyo Sonkortunba ay ahaayeen Numbarka ugu sareeya ee qiimaha raashinka quutul daruuriga.

 

Galeydu waa ka raqiisan tahay dalalka Mareykanka iyo Jarmalka marka loo eego qiimaha waddamada Bariga Afrika, waxaana Bankiga adduunku uu hoosta ka xariiqay in sicir bararka ku yimid adduunka ay sabab ku leedahay baahida ka jirta Geeska Afrika.

 

Dagaalka daba dheeraaday ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sii kharibay ama sii xumeeyay macluusha ka taagan Bariga Afrika iyadoo 3.7-milyan oo Soomali ahna ay qarka u saaran yihiin in ay u geeriyoodaan macluul iyo nafaqodaro ayay lagu yiri warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.