Magaalada Caabudwaaq oo baroordiiq loogu sameeyay dadkii ku la’day qaraxii Dhuusa Mareeb “Daawo Sawirada”

Waxaa shalay Magaalada Cabudwaaq ka dhacay munaasabad lagu baroordiqayay Xildhibaanadi naftoda qaaliga ah ku wayay qaraxii ka dhacay magaalada Dhusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Munasabadaan oo ay soo abaabuleen Ururka Mercy Rehabilition Developmant iyo Ururka We Need Paece and Development, aya waxa ayaa ka dhacday Hotelka Salaama oo ku yaalla bartamaha Magaalada Cabudwaaq.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Xireey Cabdi Salan oo ku hadlayay Magaca Ururadii soo Agaasimay Munasabadan Baroordiiqda ah ee lagu xusayay Xildhibaandi naftooda ku wayay qaraxi Dhusamareeb, waxana u aad ugu mahad celiyay Xildhibaanada, Maamulka Ahlusunna, Golaha Guurtida, Ururada Haweenka iyo guud ahan dadki ka soo qayb gallay munaasabadaasi.
Furitaanki ka dib waxaa hadalka lagu warejiyay Maamulka Ahlusunna Waljamaca ee Magaalada Caabudwaaq waxaana Magaca Maamulkaasi ku hadlayay Gudomiya Dagmada Cabudwaaq Sheekh Xasan Cabdi Calas “Xasan Caabudwaaq”, oo ugu horeyn uga mahad celiyay Ha’adaha Mercy Rehabilition Developmant iyo We Need Paece and Development oo ayagu lahaa Agaasimka Munasabadaan Baroordiiqda ah sida ay isugu xilqaameen abaabulka Musanaabadan.
”Waxaan Ilaahay uga baryay Xildhibaanadi ku geeriyooday qaraxi Dhuusamareeb in uu Janadi Fardowso ka warabiyo, eheladoodina samir iyo imAan ka siiyo, waxaana dishay gacan ka xaq daran.” ayuu yiri gudomiyaha dagmada Cabudwaaq oo munaasabadaasi ka hadlayay,
Xildhibaan Cabdirishiid Sheekh Siciid oo isagu ka mid ahaa wufuudii Xildhibaanada ahaa ee qaraxa lagula beegsaday maqaaxi ku taalaa bartamaha Magaalada Dhusamareeb, laakin uu isagu ka badbaday ayaa waxaa uu ka warbixiyay sida uu qaraxu u dhacay iyo ujeedada ay u socdeen guud ahan Xildhibaanadi ku wada sugna Dhuusamareeb.
”Xildhibaanada dhintay iyo kuwa dhawacmayba waxa ay u socdeen in ay nabad iyo hormar gaarsiyaan Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, taas oo ah camal aad u ficaan, waxana aaminsanahay qofki ku dhinta asago ku jira in uu nabad iyo hormar garsiiyo bulsho kuwada nool gobolka in uu yahay qof asagoo ku tagan wadada Xaqa ah ku dhintay.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid.
Dhinaca kale Xildhibaan C/Rashiid ayaa waxaa uu shegay in aysan marnaba ka niyaad jabeyn howlihii ay u socdeen ee ahaa in la hormariyo lana isku soo dhaweeyo bulshada kuwada nool Gobolada Dhexe ee Soomaaliya waxana uu shegay in howshaasi ay wali socoto.
Intaasi ka dib waxaa hadalka qatay Nabadoon Cumar Xaaji oo asagu ka mid ah xubnaha ugu fir fircoon ee Golaha Guurtida Waqoyiga Galgaduud, nabadoonka ayaa waxaa uu ugu horeyn umahadceliyay Ururadii soo agaasimay munaasabada, waxa uuna Ilaahay uga baryay xildhibanadi naftoda ku wayay ayagoo wada sulux, hormarinta iyo isku-soo dhaweynta bulshada kuwada nool Gobolada Dhexe ee Soomaliya in uu Janadii Fardowso ka warabiyo,
Ugaaska Beesha Sade Ugaas Axmed Barre Takooy oo isna halaasi ka hadlay ayaa u duceeyay intii ku dhimatay qaraxi ka dhacay dhusamareeb, asago intii ku dhawacantayna caafimaad ilahay uga baryay.
”Xildhibaanadi ku dhintay qaraxi Dhuusamareeb waxaa ay wadeen wanaag iyo hormar la gaarsiiyo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayago wanagaas wada ayay ku dhinteen Ilaahay Janadi Fardowso haka waraabiyo.”ayuu yiri Ugaas Axmed Barre Taakoy.
Sido kale musanabadaas ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay xubno ka socda Ururada Haweenka iyo Ururada Dhalinyarada ee ka dhisan Magaaalada Cabudwaaq ee bartamaha Soomaliya, waxaana magacooda ku hadlay Baar Cali Xade iyo Balaase. waxaayna mujiyeen sida ay dhankooda uga xun yihiin dhacdadii ka dhacday Dhuusamareeb.
Munasabadan baroordiiqda ah ayaa waxaay noqonaaysa munaasabadii ugu weyn ee loo sameeyo xildhibanaadi ku geeriyooday qaraxii ka dhacay maagalada Dhusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. iyaado dhaman dadki ka soo qayb galay ay ilahay uga baryeen in uu janadi fardowso ka waraabiyo xldhibanadi ku naf wayay qaraxaasi, halka ay ilahay caafimaad uga baryay inti ku dhawacantay qaraxaasi.










Bashiir Yusuf Nadara
Cabudwaaq, Galgaduud