Maxaa ka jira in kooxda Barcelona ay rabta inay Cesc Fabregas ka iibiso Manchester United

(Catalonia) 20 Abriil 2104. Kooxda Manchester United oo ahayd koox si weyn baadi goob xoogan ugu jirtay helitaanka xiddiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Cesc Fabregas ayaa haatan lagu soo waramayaa inay heli karto beeca xiddigan kadib markii la sheegay in kooxda Barca ay diyaar u tahay in Fabregas ay ka iibiso kooxda United.
Kooxda Red Devils ayaa xagaagii hore sameesay labo isku day oo ay ku dooneysay saxiixa laacibkan, balse labadaasi isku day ayaa ugu dambeyntii kusoo idlaaday fashil kaaga darane fashilka United ay ku fashilantay wiilkan waxaa kaga darnaa markii uu xiddigii hore ee kooxda Arsenal ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay inuu baaqi kusii ahaado kooxdiisa Barcelona.
SI kastaba, xaalada Fabregas ayaa haatan u muuqata mid isbedel ku yimid sida ay qortay Metro kooxda reer Catalan ayaa u sheegay xiddigan inuu markii dhamaado xagaagan ka dhaqaaqi karo garoonkeeda ay ku ciyaarto kooxda Barca ee Camp Nou haddii qiimo macquul ah ay ku hesho.
United ayaa la sheegay in 26-jirkaan ku qiimeysay lacag dhan PS25m, isagoona qandaraaska uu haatan kula jiro kooxdiisa ay ka dhiman tahay labo sano oo kaliyah.
Fabregas ayaa 91 kulan uu kasoo muuqday horyaalka La Liga wuxuu kooxdiisa Barca u dhaliyay 28 gool.
barcelona-granada_1
GOOL FM. Read more about Maxaa ka jira in kooxda Barcelona ay rabta inay Cesc Fabregas ka iibiso Manchester United