Michael Ballack oo saadaal ka bixiyey kooxda ku guuleysan doonta UCL xilli ciyaareedkaan

ChelseaMichael Ballack ayaa ku taageeray kooxdiisii hore ee Chelsea hanashada tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkaan.
Blues ayaa guul 5-0 ah ka gaartay Schalke kulankii xalayto ka dhacay Germany waxayna usoo baxday wareega 16ka tartanka, iyadoo sii kordhisay rikoorkeeda guul darro la'aanta tartamada oo dhan ee xilli ciyaareedkaan.
"Weli kuma arko wax daal ah, xaqiiqdii waa ay adag yihiin haddii aad qamaar ku dhigato ka dib kulankii maanta waa ay ku guuleysan karaan Champions League," ayuu Ballack u sheegay Sky Sports News, kaasoo afar sanno ku qarash gareeyey Stamford Bridge.
"Haddii aad qamaar ku dhigato iyaga ka dib kulankaan xilli ciyaareedkaan oo dhan waa ay ku guuleysan karaan Champions League markaas.
"Laakiin maanta Chelsea kama aysan hortegin kooxdii ku habbooneyd inay ka hortagto, iyaguna waa ay ogyihiin middaas, Jose Mourinho waa tababare aad u qibrad badan waana uu ku riyaaqay kulankaan. Read more about Michael Ballack oo saadaal ka bixiyey kooxda ku guuleysan doonta UCL xilli ciyaareedkaan