AS Monaco iyo Real Madrid oo lagu soo waramayo inay heshiis ka gaareen saxiixa Falcao

RadamelFalcaoMonacoAS Monaco iyo Real Madrid ayaa ku dhow inay soo gabagabeeyaan wadahadalada heshiiska Radamel Falcao iyadoo kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 ay isku diyaarineyso bixitaanka weeraryahanka.
Wargeyska AS ayaa daabacay warbixin uu kasoo xigtay jariiradda Faransiiska ah L'Equipe, taasoo sheegeysa inay Monaco diyaar u tahay inay macsalaameyso weeraryahankii hore ee Atletico Madrid, oo ay sanad ka hor kala soo saxiixdeen Los Colchoneros.
Falcao ayaa la sheegayaa inuu heshiis shaqsi ah la gaaray milkiilaha Monaco, heshiiskaas oo ahaa inuu u ogolaado inuu baxo haddii ay dalab usoo dirto Madrid, taasoo ah xaaladda haatan lagu jiro.
Falcao ayaa sheegay inuu isha ku hayo inuu dib ugu laabto koox weyn, isla markaana uusan ku riyaaqin ka ciyaarista kooxda ka dhisan Stade Louis II, isagoo horay usoo xirtay maaliyadaha River Plate, Porto iyo Atletico Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, laguma fikirayo inay Madrid bixin doonto qiimaha 45ta milyan oo euros ah ee Monaco weeraryahankaan uga soo iibsatay Atletico, waxaana lasoo jeedinayaa inay Los Blancos ka cago jiideyso inay heshiiska dhameystirto ilaa jiilaalka inta ay ka hubineyso taam ahaanshiyaha Falcao ka dib dhaawac jilibka kasoo gaaray oo uu ku seegay Koobka Adduunka, halka Falcao oo tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka soo aadan la qaadanaya kooxdiisa uu sheegay inuu si buuxda taam u yahay.
Use Facebook to Comment on this Post Read more about AS Monaco iyo Real Madrid oo lagu soo waramayo inay heshiis ka gaareen saxiixa Falcao