Muwaadinkii sharci darada ugu xidhnaa ciidanka milatariga oo maanta xoriyadiisi loosoo celiay + hantidiisi oo weli ka maqan iyo saraakiil uu ku eedeeyay inay lacag laaluusha weydiiyeen.
Cabdiqani Cumar Maxamed oo sagaal maalmood u xidhnaa ciidanka milatariga isla markaana ku xidhnaa xerada shicibka ka mamnuuca ah ee birjeex ayaa manta si dirqi ah loo sii daayay isla markaana aan waxba laga weydiin hantidiisi ay ciidanku ka burburiyeen. Cabdiqani Cumar Maxamed oo ay ka muuqatay diiftii iyo daalkii xabsigii uu ku jiray ayaa sheegay in lagula kacay dulmi iyo xadgudub weyn wuxuu sheegay in sagaal maalmood uu ku jiray xabsiga birjeex ee afweyn isagoo sheegay in kaligii uu ka ahaa shacab maxaabiistii xeradaasi ku xidhnayd oo wada ahaa milatari sidoo kale wuxuu sheegay muwaadinkani in inti uu xidhnaa aan cidna ku soo noqon oo waxba la weydiin isla markaana loo caga jugleeyay oo lagu cabsi galiyay inuu ka hadho dhulkaasi uu iibsaday isagoo tiraabay in la weydiiyay lacag aanu awoodi karayn.
Cabdiqani Cumar Maxamed waxa uu shaaca ka qaaday in markii hore sarkaalka dhulka ee aagasi uu u fasaxay islamarkaana uu u soo bandhigay inuu lacag bixiyo balse uu awoodi kari waayay “ninka ah madaxa dhulka ee ciidanka qaranka ee lineka milatariga ayaa igu yidhi lacag 3000 dollar ah i sii meeshana dhiso dadka kalaba lacagtaas ayay bixiyeene markaas cid kula hadlaysaa ma jirtee waxaanan u sheegay inaan awoodi karayn lacagtaa badan ee uu ii sheegay waxaanu igu yidhi hadaba ma dhisan kartid meeshana nin lacag haysta uun baa wax dhisan kara ayuu igu yidhi wuuna iga tagay ka dib waan dhistay wuuna igu soo noqday isagoo awood ciidan ii adeegsanaya wuuna burburiyay hantidaydii’’
Cabdiqani Cumar wuxuu kaloo sheegay in ninkan madaxa laga dhigay ninkii ka sii horeeyayna uu u so bandhigay qorshanan lacag iyo laaluush doonka ah isla markaana uu hore uga qaatay 600 oo jaajuura markii uu ku gacan saydhay qorshahaas uu u soo bandhigay sarkaalkaasi.
arintan ayaa fadeexad qaawan ku ah saraakiisha dhulka danta guud ee ciiidanka qaranka oo muwaadinkan dusha ka saaray isla markaana shurud adag uga dhigay lacag aanu awoodi Karin Cabdiqani Cumar oo ay wejigiisa ka muuqatay murugo weyn ayaa ku dooday “dee meeshan waxaan u arkaa uun in ay ka muuqato cadaalad daro iyo laaluush doon aanan awoodi karayne waxaan leeyahay taliyaha ciidanka qaranka dadka si cadaalada ugu xaqsoor isla markaana hantidaydii ha lay qiimeeyo adigoo mahadsan oo dadkaas aan la mid ahaado ileen wax igama dhex soocine waa taas la wada dhisanayo oo hada qaar baa gacanta lagu hayaa qaar waa la dhameeyay saraakishaadan dhulka ee lacagta iyo caga juglaynta igu haysana wax ka qabo”.
cabdiraxman sulub oo ah markhaati si weyn ula socday arintani ayaa noo sheegay in aanu dhulkaasi aanu iska qabsan muwaadinkani ee uu u haysto waraaqihii lagaga iibiyay oo dhan oo ay ku qoran tahay wasaarada cadaaladu isla markaana cidii ka iibisay ay dheega ku hayso dhisme weyn oo aan cidna la hadal “hadii sharci laga hadlayo gabadhii ka iibisayba waa taas fiiladu uga dhisan tahay cidna ma xidhato lama dhaho lamana suaalin maxaad uga iibisay iyo sidee uga iibin kartaa toona waan se la yaabsanahay waxaa kaligiis loo faquuqayo ee uu dadkaas kaga duwan yahay’’
sidoo kale cabdi raxmaan sulub wuxuu noo sheegay in xaafadaasi hada ay ka dhisan yihiin 20 dhisme in ku dhaw oo dad shacabi leeyihiin isagoo arintaasi faahfaahinaya wuxuu yidhi “walaahi markaad halkaasi tagto waad yaabaysaa waxa dhisme shacabku leeyahay laga wado ama ka dhisan oo waxaaba cajiiba in jagada muwaadinkan lagu haysto ay u dhaxayso laba dhisme oo waaweyn oo uu leeyahay qofkii ka iibiyay markaa hadii sharci daro laga hadlayo dadka si siman ha loogu diido oo kuwaas kalaba ha la dumiyo ama ha loo fasaxo si cadaalada waxaan sidoo kale aad ugu mahad naqayaa saxaafada xorta ah oo suurta galisay in muwaadinkan xoriyadiisa loo soo celiyo waxaanan leeyahay saxaafada aad baad u mahadsan tihiin sida markasta aad xaqa ugu hiilinaysan ee aad dulmiga u soo bandhigaysaan taas oo ah mid ilaahay idinka abaal marinayo shacbiguna idiin ogyahay’’ayuu yidhi c/raxmaan sulub mar uu arintaas si mug leh uga waramayay
waxaa taliska ciidanka ceeb weyn ku ah in ay muwaadiniinta dan yarta ah weydiiyaan lacag aanay tahli Karin isla markaana xabsiga dhigaan oo burburiyaan hantidooda waxaana la gudboon taliyaha ciidanka qaranka nuux taani in arintan oo ah arin fool xumo ah uu muwaadinkan hoos u eego oo xaqiisi u raadiyo
barkhad yoonis
Freelance Journalist.
Hargeisa,Somaliland
