Muxuu ahaa canugga uu maaliyaddiisa siiyey Iker Casillas kulankii ay Real Madrid 9-1 ku garaacday Granada?… (MUUQAAL + SAWIRRO)

Casilas
(Madrid) 06 Abriil 2015 - Haddii aad fadhiso halka ka dambeysa goolka kulan kubadda cagta ah, waxaan ognahay inaad halis ugu jirto inaad ku dhaawacnato laadadka xooggan ee ay soo tuurayaan xiddigaha bartilmaameedkoodu yahay inay gool dhaliyaan.
Taasina waa sax, waana waxa ku dhacay wiil dhallinyaro ah oo taageero u ah Real Madrid intii lagu guda jiray ciyaartii shalay 9-1 ay ku saxariiriyeen Granada, waxaana uu ku dhacay dhulka markii ay haleeshay kubbad la soo tuuray, waxaana uu aaday waaxda caafimaad si loo daweeyo.
Laakiin kabtanka Real Madird ahna goolhayaha kooxdaas Iker Casillas oo ka war hayey shilka qabsaday canugan yar ayaa isha ku hayey intii lagu guda jiray qeybtii hore ee ciyaarta.
Xaaladdiisa waa ay fiicnayd canugan da'da yar, laakiin Casillas intaas ugama harin ee waxa uu doonayey inuu hubiyo in taageerahan uu gurigiisa ku laabto isagoo faraxsan, waxaana uu siiyey maaliyadiisa oo uu u galiyey intii lagu guda jiray qeybtii hore ee ciyaarta.
Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:-

SAWIRRO:
fan iker medics
Gool FM. Read more about Muxuu ahaa canugga uu maaliyaddiisa siiyey Iker Casillas kulankii ay Real Madrid 9-1 ku garaacday Granada?… (MUUQAAL + SAWIRRO)