Muxuu Ka yiri Manuel Pellegrini kulanka Manchester Derby ee Axada (Warbixin).

Plzen-v-Manchester-City-Manuel-Pellegrini_3005119
Macalinka naadiga Manchester City Manuel Pellegrini ayaa hoos u dhigay xamaasada kulanka Manchester Derby kaas oo la filayo inuu dhaco maalinta axada ah ee inagu soo fool leh.
Kooxda Sky Blue ayaa heshay kaliya 18 dhibcood guud ahaan kulamadii ey ciyaartay 2015 ka waxa eyna qasaarisay 18 dhibcood oo kale, iyada oo kasoo dhacday kaalinta labaad ee kala horeynta horyaalka Ingiriiska.
"Kubada cagta wax waliba wey ka dhici karaan, balse waxaa maskaxdeyda ku jiri jiray inta aan shaqadan hayey inaan ku fikiro kaliya sidii aan ku guuleysan lahaa kulanka xiga". sidaas waxaa saxaafada u sheegay Manel Pellegrini.
Macalinkii hore ee Malaga ayaa hadalkiisa sii raaciyey "Wax yaabaha kale ee aanan aqoon yaa ka badan, waa ciyaar muhiim ah. waana kulan derby ah aad baan isugu dhawnahay marka la eego kala sareynta, kooxdeenii badisana uma maleynayo iney kaalintaas ku dhameysan karto".
Kooxda Man City ayaa ka hooseysa kooxda hogaanka heyso ee chelsea sagaal dhibcood oo nadiif ah kahor kulanka Manchester Derby. Read more about Muxuu Ka yiri Manuel Pellegrini kulanka Manchester Derby ee Axada (Warbixin).