Nuur Cadde oo tacsi Tiiraanyo leh u diray ehellada iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Wariye Cabdi xareed

Muqdisho (SONNA) —Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo wareysi siiyay SONNA.NET ayaa waxa uu Tacsi u diray Ehelladii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyooday Allaha U Naxariistee Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo ka mid ahaa Shaqaalaha Shabakadda SONNA.NET
Nuur Xasan Xuseen ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga Xumaaday dilka loo geestay Allaha U Naxariistee Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan waxa uuna ka dalbaday Kooxihii dhagar qabayaasha ahaa ee dilkaasi geestay in Cadaaladda La horkeeno.
 Nuur Xasan Xuseen Nuur cadde ayaa lagu amaanay booqashadii uu ku yimid Xarunta SONNA taasi oo lagu tilmaamay in ay tahay mid Muujineyso Sida Ra’isal Wasaaraha uu u doonayo in uu tacsida ula qaybsado Maamulka iyo Shaqaalaha SONNA.NET
Ugu dambeyn Nuur cadde ayaa waxa uu ugu baaqay Shaqaalaha iyo Maamulka SONNA.NET in ay sii wadaan Howsha adag ee ay Shacabka u hayaan.

W/Q Dalnuurshe Ibrahin