Qadar oo sidii “Xayawankii” oo kale u la dhaqanta dadka dhisaya Garoomada Koobka Aduunka

Shirkada dhismaha Qadar ayaa ku xad gudubta shaqaalaha dhisaya Garoomada lagu qaban doono Koobka Aduunka FIFA ee sanadka 2014, sida ay sheegtay Amnesty International (AI) oo u dooda xuquuqul Insaanka.
Amnesty ayaa sheegtay in shaqaalaha Muhaajiriinta ah ay inta badan la kulmaan dhibaatoon ay kamid yihiin in aan la siin mushaarkooda, in sharuudo adag la hor dhigo, in loo dhiibo shaqooyin Qatar badan taasi oo laga yaabo in ay naftoodu ku baxdo.
Shaqaalaha Dhisya Garoomada Qatar ee lagu qaban doono Koobka Aduunka 2014Shaqaalaha Dhisya Garoomada Qatar ee lagu qaban doono Koobka Aduunka 2014
Kooxda xuquuqul insaanka Amnesty International ayaa sheeegay in mid kamid ah maamulayaasha uu ku tilmaamay shaqaalaha in ay la miyihiin "xoolaha".
Saraakiisha dowladda Qadar ayaa sheegay in sharuudaha dadka shaqaalaha loo sameeyo ay tahay mid ku haboon dhismaha garoomada Koobka Aduunka ee dalkaasi lagu qaban doono 2014.
Wali ma aysan canbaareyn dowladda qadar warbixin Hay'adda xuquuqul insaanka u dooda ee Amnesty International.
Amnesty ayaa sheegay in ay wareysi la yeelatay 210 shaqaale kuwaasi oo u cadeeyay dhibaata heysata iyadoo muujisay in dadka wadankaasi soo galootiga ku ah ay ugu daran yihiin.
Inkabadan 1,000 qof ayaa la rumeysan yahay in la geeyay Isbitalo ku yaala Magaalada Dooxa ee dalka Qadar kaddib markii ay ka soo dhaceen meelo dhaadheer iyagoo ku guda jira shaqada dhisida garoomada, Amnesty waxa ay leedahay xitaa lama sheegin Isbitaalada la dhigay. Read more about Qadar oo sidii “Xayawankii” oo kale u la dhaqanta dadka dhisaya Garoomada Koobka Aduunka