Raul oo laga yaabo inuu dib ugu soo laabto kooxda Real Madrid, laakiin muxuu ka qaban doonaa?

1406905398_355004_1406905450_noticia_grandeRaul Gonzalez Blanco ayaa qarka u saaran inuu dib ugu soo laabto Real Madrid isagoo qaban doona shaqada agaasimaha isboortiga, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya caasimadda Spain.
Miguel Pardeza ayaa haatan haya shaqada agaasimaha isboortiga kooxda wuxuuna xilkaan hayey tan iyo 2009kii laakiin wuxuu xilkiisa ka tegi doonaa xagaagaan.
Jariiradda AS ayaana sheegeysa inay Raul iyo Real Madrid ka wadahadleen arrimo ku saabsan jagadaan waxaana jiray horumar ay sameynayeen wadahadaladaasi bilihii lasoo dhaafay.
AS ayaa intaasi ku dareysa in Raul la siin doono mas'uuliyad ka weyn middii Pardeza si uu ugu riyaaqo jagadaan, wuxuuna haatan baranayaa luqadda Ingiriiska isagoo kaga shaqeynaya qeyb ka mid ah kooxdiisa Al-Sadd.
Fernando Hierro ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay Santiago Bernabeu isagoo noqday caawiyaha tababare Carlo Ancelotti, Raul oo heysta rikoorka gooldhalinta guud ee Los Blancos ka dib markii uu dhaliyey 320 gool 732 kulan oo uu u saftay, ayaana laga yaabaa inuu noqdo xiddiga kale ee dib usoo laabta.
Hierro iyo Raul ayaa ah saaxiibo isku dhow, saaxiibadii hore ee isku kooxda ahaan jiray ayaana laga yaabaa inay markale fursad u helaan inay si wadajir ah kooxda uga shaqeeyaan.
Wadahadalada u dhexeeya Raul iyo Madrid ayaa ah marxaladdii ugu horreysay waxaana laga yaabaa inay heshiis gaaraan bilaha soo aadan. Read more about Raul oo laga yaabo inuu dib ugu soo laabto kooxda Real Madrid, laakiin muxuu ka qaban doonaa?