Real Madrid iyo Arsenal oo tartan adag ugu jira ciyaaryahanka Pogba

Kooxaha Real Madrid iyo Arsenal, ayaa waxay loolan adag ugu jiraan, sidii ay u heli lahaayeen xidiga khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Juventus ee Paul Pogba.
Wakaaladaha dalka Spain, ayaa waxay qorayaan in Madrid ay Pogba ku baadi goobi doonto adduun lacageed oo dhan 61 milyan oo Euro.
Sidoo kale Arsenal, ayaa waxaa la sheegay in ay xidigaan ku dooneyso lacag dhan 41 milyan oo Ginni, inkastoo ay suurta gal tahay kooxda Macalin Arsene Wenger, ay sare u qaado qiimaha ay ku dooneyso xidigaasi.
Daily Mail, waxay qortay in kooxda Arsenal ay xiiso badan u qabto wiilka reer France ee Pogba, si fiicana ula heysta kooxda ka dhisan Magaalada Torino.
Juventus hadda diyaar uma ahan in ay wax heshiisyo ah la furto kooxaha ka dhisan Horyaalada Qaaradda Yurub, ilaa iyo inta laga soo gaba gabeenaayo koobka adduunka. Read more about Real Madrid iyo Arsenal oo tartan adag ugu jira ciyaaryahanka Pogba