Ronaldo, Messi iyo Rodriguez oo ka mid ah kooxda riyada ee Yaya Toure oo iska indhatiray Man City

article-2998610-26BAD52D00000578-942_964x377Yaya Toure ayaa go'aansaday inuu ku gacan sayro ciyaartoyda Manchester City isagoo aan mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa haatan aan kusoo darin kooxdiisa riyada.
Xiddiga qadka dhexe ee Manchester City ayaa go'aansaday in uusan soo xulan asxaabtiisa Sergio Aguero, David Silva iyo Vincent Kompany isagoo kooxdiisa riyada usoo magacaabay asxaabtiisii hore ee Barcelona Gerard Pique, Dani Alves, Andres Iniesta, Xavi iyo Lionel Messi.
Toure ayaana daaha ka qaaday inuu afar ciyaaryahan uga yeeran lahaa kooxdii ay sida weyn u xafiiltami jireen markii uu joogay Barcelona ee Real Madrid.
Kooxda tiyada Yaya Toure oo uusan ka mid aheyn xiddig u ciyaara Man City ama ka ciyaara EPLKooxda tiyada Yaya Toure oo uusan ka mid aheyn xiddig u ciyaara Man City ama ka ciyaara EPL
Waxayna afartaas ciyaaryahan ee Real Madrid kala yihiin goolhaye Iker Casillas, Sergio Ramos, Cristiano Ronaldo iyo James Rodriguez, kooxda riyada ee Toure ayaana waxaa dhammeystiray Bastian Schweinsteiger iyo Mats Hummels.
31 sanno jirkaan ayaan hal ciyaaryahan oo ka ciyaara horyaalka Barclays Premier League kusoo darsan kooxdiisa riyada inkastoo uu shan sanno ka ciyaarayey England. Wuxuuna go'aansaday inuu iska indhotiro ciyaartoyda Manchester City.
KOOXDA RIYADA EE YAYA TOURE - SHAXDA 3-5-2: Casillas; Ramos, Pique, Hummels; Dani Alves, Iniesta, Xavi, Schweinsteiger, James Rodriguez; Ronaldo, Messi Read more about Ronaldo, Messi iyo Rodriguez oo ka mid ah kooxda riyada ee Yaya Toure oo iska indhatiray Man City