Ronaldo oo lacag ugu deeqay Afghanistan

GENEVA, (CIYAARO) - Cristiano Ronaldo ayaa 100,000 euros ($134,600) isagoo ka wakiil ah xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ugu deeqay Afghanistan si lacagtaasi wax loogu qabto dadka ku wax yeeloobay miinooyinka dhulka lagu aaso, waxaana lacagtaasi ka siiyay guddiga Laan qeyrta cas ee ICRC.
"Sharaf ayeey ii tahay in aan caawiyo dadka kale, farxad weyn ayeeyna i galineysaa," sidaasi Ronaldo, ayaa yiri kaasoo Madrid ku soo bandhigay cheque ay ku qoran tahay lacagtaasi.
Isagoo matalaya UEFA, wuxuu sidaan oo kale sanadkii 2008 lacag ugu deeqay ICRC, taasoo lagu caawiyay in ka badan 90,000 qof oo ku wax yeeloobay miinooyin iyo dad kale oo ku cuuryaamay dagaalada dalkaasi oo sii bilowday 1988.
Weeraryahanka Argentina iyo Barcelona Lionel Messi, kaasoo bishii tagtay markii 4d oo isku xigta qaatay Ballon d'Or, sidoo kale Xavi Hernandez iyo Carles Puyol ayaa sidoo kale lacag ugu deeqay UEFA gaar ahaan mashruuceeda ICRC.Sunni Said Salah
Share/Bookmark Read more about Ronaldo oo lacag ugu deeqay Afghanistan