Sawiro: Mesut Ozil oo markii ugu horeysay xiran maaliyada Arsenal

Arsenal ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay saxiixeeda cusub Mesut Ozil oo xiran maaliyada Gunners, kaasoo heshiis rikoor ah 42.5 milyan oo ginni maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga uga soo biiray Real Madrid.
Kubad sameeyahaan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa taariikhda Arsenal, isla markaana Gunners ayaa soo bandhigtay markii ugu horeysay isagoo xiran maaliyadeeda.
24 jirkaan xulka Germany ayaa xiran doona numberka 11aad, isagoo kulankiisa ugu horeeya safan doona ciyaarta ka tirsan Barclays Premier League ee kooxdiisu u martineyso Sunderland.
Halkaan Ka Daawo Sawirada Ozil Oo Xiran Maaliyadda Arsenal Read more about Sawiro: Mesut Ozil oo markii ugu horeysay xiran maaliyada Arsenal