Serena oo koobkii 7d sanadkaan qaaday

Serena Williams oo ah horyaalka tennis adduunka isla markaana si lama filana ah kaga hartay tartankii Wimbledon ayaa ka soo kabatay guuldaradaasi markii ay 6-4 6-1 ku garaacday Johanna Larsson oo gurigeeda ku ciyaareysay isla markaana ay ka qaadatay horyaalka Swedish Open.
Williams, oo 31 sano jir ah, kulankaani wuxuu u ahaa kii 51d oo ay badiso iyadoo horyaalkaan uu u yahay kii 7d oo ay ku guuleysato sanadka 2013.
Waxey musharax u aheyd in ay markii 17d ku guuleysato horyaalka Grand Slam gaar ahaan Wimbledon laakiin wareega 16ka waxaa si aysan fileyn ugu reebtay Sabine Lisicki .

Serena Williams iyo horyaaladdii ay qaaday 2013

  • January - Brisbane International (hard court)
  • March - Sony Open, Miami (hard court)
  • April - Family Circle Cup, Charleston (clay)
  • May - Madrid Open (clay)
  • May - Italian Open, Rome (clay)
  • June - French Open, Paris (clay)
  • July - Swedish Open, Bastad (clay)

Google+Share/Bookmark Read more about Serena oo koobkii 7d sanadkaan qaaday