Shirka Nairobi oo furmay iyo qodobo la hordhigay Madaxda DKMG
Nairobi: (Sh. M. Network) Saxiixayaasha Road-map-ka ayaa shirka si toos ah ugu furmay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, iyadoo dhinaca kale ay qodobo horu dhac ah kasoo baxeen shirkaasi.
Kullankaani ayaa waxa uu si rasmi ah kaga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kullanka ka qeyb galaya Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya iyo Xubno ka kala socda Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna iyo Xafiiska QM ee Soomaaliya.
Kullanka ayaa waxa looga hadlayaa waxyaabihii ka qabsoomay Hannaanka Nabadda Soomaaliya ee Road-Map-ka iyo ka bixitaanka Xaaladda KMG oo uu ku jiro dalka Soomaaliya.
Xubnaha kullanka ka qeyb galaya ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda C/.wali Max’ed Cali Gaas, Maamullada Galmudug, Puntland, Ahlu Sunna iyo Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga.
Kullanka ayaa waxa la sheegay in Madaxda ka qeyb galaysa lagu cadaadiyay inay dhaqan galiyaan Waqtiga yar ee soo socda Barnaamijka Nabadda Soomaaliya ee Road-Map-ka, waxaana warar hoose oo ay Shabelle heshay ay sheegayaan in sidoo kale waxyaabaha kullanka looga hadlayo ay ka mid tahay in Madaxda DKMG ah lagu wargaliyo inaysan isku soo sharixi karrin doorashooyinka cusub ee lagu wado inay ka dhacaan dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn kullanka ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxaana laga dhowr sugayaa go’aammada rasmiga ah ee kasoo bixi kara kullankaasi iyo sida ay ku aqbali karaan Ajandayaasha la hordhigay Madaxda DKMG Soomaaliya oo ay ka mid tahay inaysan isu soo sharixi karrin Doorashooyinka soo socda.
Recent Somali tweets
- 1 of 1556
- ››
