Taariikhda Thiery Henry (Qaybtii 1-aad)

s(Paris) 17 Dis 2014 - Ciyaartoy kasta oo kubbada cagta soo mara ha fiicnaado ama ha xumaadee maalin ayuun buu soo gaadhaa bar dhamaadkiisa, waxaana maanta kubbda Cagtu weysay mid ka mid ah halyayadii ay mucaqashiqiinta kubbada cagtu muddo 20 sano ah kubbadiisa daawashadeeda ku soo raaxaysanaysay.
Kadib markii Thiery Henry uu ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha ayay u muuqataa inuu soo dhamaaday waayihii ciyaareed ee aad ka umacaanaa ee uu ku soo raaxaysanayay mudadii 20 ka sano ahayd, waxaana hubaal ah in maanta ay kubbada cagtu wayday mid ka mid ah udub dhaxaadkeedii ay ku naalooneysay muddo dheer.
37 jirkan ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu ka tagay kooxda New York Red Bulls, taas oo uu u ku soo qaatay shanti xili ciyaareed ee ugu danbaysay, waxaana la filaayay inuu ku biiri doono koox kale si uu u sii wato waayihiisa ciyaareed laakiin arintaasi maanta ayay soo dhamaatay, kulankii uu New York Red Bulls u ciyaarayay ayaana ugu danbeeyay waayihii ciyaareed ee cabiibka ahaa ee Henry.
Halyaygii hore ee France iyo kooxaha Arsenal iyo Barcelona ee Henry ayaa markii uu ku dhawaaqayay inuu ciyaaraha kubbada cagta gabi ahaanba ka fadhiistay yidhi: "Kadib 20 sano oo aan ku soo dhex jiray kubbada cagta waxaan go'aansaday inaan ka fadhiisto xirfada kubbada cagta. Waxay ahayd wado layaableh, waxaanan jecelahay inaan u mahadceliyo dhamaan taageerayaashii,ciyaartoydii aan isku kooxaha ahayn iyo shaqsiyaadkii aanu ka soo wada shaqaynay kooxaha Monaco, Juventus, Arsenal, Barcelona iyo New York Red Bulls".
"Dabcan, waxaan kale oo aan u mahad celinayaa kooxdii xulka qaranka France taas oo waqtigayga ka dhigtay mid khaas ah.Hadda waa waqti kale oo aan bilaabayo waayo kale, waxaan ku laabanayaa London halkaas oo aan ku biirayo Sky Sports, waxaanan rajaynayaa inaan la wadaagi doono khibradayda aan sanadaha badan soo baranayay".
Hadaba aan idiin bilaabo waqco qoritaan ah oo aan idin kaga haqab tiri doono taariikhdii wacneyd ee King Henry.
Qeybtii 1aaad.
Magaciisa oo buuxa waxaa lagu magacaaba Thierry Daniel Henry Waxoo dhashay sanadii 1977/17 August.
Waxuuna ku dhashay magaalo yar oo lagu magacaabo Les Ulis ee ku taalo gobolka , Essonne ee dalka Faransiiska.
Dhirirkiisa iyo balaciisi 1.88 m (6 ft 2 inj) midabkiisu waa Madow iyo cadaan isku darsan Abihi waxa uu kasoo jeda jaziirada la dhaho Guadeloupe oo kutaala Nothren America Hooyadii waa France waxayna udhalatay Martinique. magaceeda waa Mrs.Maryse
Noloshiisa Khaaska ah
Henry ayaa qabo inan lagu magacaabo Nicole Merry oo dharka xayeesiiso taas oo u dhalatay dalka Ingriiska waxayne is guursadeen sanadii 2003 bishii july 5 waxeyna u dhashay gabar lagu magacaabo Tea Henry waxey dhalatay gabdhaas yar 2005 ugu danbeyntii 2007 Henry markuu ku biiray kooxda Barcelona ayaa waxaa maqashay xaaskiisa Merry kadib neh wey kala tageen asaga iyo xaaskiisa ayadoo loo sababeynayo iney Merry dooneysay ku noolaanshaha magalada ay ku dhalatay ee London. hada Henry w waxoo qabaa inan u dhalatay dalka Bosnia sidoo kale dharka xayeesiiso waxaana lagu magacaabaa Andrea Rajacic.
Henry waxoo ka mid yahay ciyaartooyda la shaqeyso hey'ada UNICEF ee caawiso dadka saboolka ah waxoo sidoo kale la shaqeeyaa shirkadaha ugu magaca weyn dunida sida Nike,Reebok,Puma,Gillette,Pepsi. sidookale waa madaxweynaha la dagaalanka Midab takoorka ee FIFA taasoo loo magacaabay sanadii 2004 kadib markii ay kasoo gaartay aflagaado cunsurinimo ah macalinkii kooxda qaranka Spain ee Luis Aragonis,
Aragonis ayaa qarankiisa uga yeerayey ciyaaryahankii Arsenal ee Jose Antonio Reyes waxa uuna yiri kaalay Reyes adiga ayaa ka fican madoobahaas , waxayne sababtay in ganax loo galiyo garka macalin Aragonis. Henry na lagu abaalmariyo jagada madaxtinimo ee ladagaalnka midab takoorka. lasoco Qeybta 2aaaaaaaaad insha allah.
s
La soco qayb kale....
Diyaarintii:
Farhan Ali Halane
Gool FM Read more about Taariikhda Thiery Henry (Qaybtii 1-aad)