Taariikhda Thiery Henry (Qaybtii 3-aad)

(Paris) 19 Dis 2014 - Xili ciyaaredkii 2003-2004 waxa uu aha kii ugu macaanaa ee Soomara Arsenal iyo Henry, King Henry waxa uu suura galiyey in Arsenal ay ku guuleysato Horyaalka England ayadoon aan marnaba dhinaceeda dhulka la dhigin waana kooxda kaliyah ee EPL sidaa sameysay,
sidookale Henry waxa uu sanadaa ku guuleystay gaol dhalinta Horyalka Golden Boot sidookale European Golden ayuu ku guuleystay waxaana loo magacaabay markisii 2aad oo isku xigta laacibka ugu fican horyalka England iyo kan Qorayaasha ciyaaraha, PFA Player of the year iyo PWA Player of the year. waana ciyaaryahankii ugu horeeyey ee sidaa sameeyaha taarikhda.

Waa sanadka Arsenal la gudoosiyey koobkii Dahabka ahaa waana halka koob ee dhamaan koobabka horyaalka England oo dhan dahab ka ah waana Arsenal kooxda nasiibka u yeelatay, suurta galiyii taarikhdaasna waa Henry 39 goal ayuuna dhaliyey sanadkaas.
isla sanadkii ku xigay Henry waxa uu Arsneal u qaaday FA CUP kadib markii ay Man United ay rigoorayaal kaga qaadeen sanadii 2005 waana markii ugu dambeysay Arsenal koob ay qaado intii uu Henry la joogay kooxda.
2006 Henry waxa uu Arsenal geeyey markii igu horeysay finalka Champonsleague nasiib daro waxa 2-1 ku garaacday Barcelona.
2007 Henry waa ka qaatay xamaamadiisa kooxda Arsenal, 226 gaol ayuuna udhaliyey Arsenal inkabadan 350 kulan guudahaan waana ninka ugu goalasha badan Arsenal taariikhda.
25 Jun 2007 waxaa dhacay dhacdo aysan marnaba filaneynin taageerayaasha Arsenal ee baaxada weeyn. Henry ayaana 24 milion ugu dhaqaaqay kooxda Barcelona ee cara Spain.
Bixitaanka Henry ayaa lagu sababeeyaa tegitaankii hogaamiyihii Arsenal ama maareeyihii kooxda David Dean oo koxda isaga huleelay iyo waliba mustaqbalka macalin Arsene Wenger oo markaa mugdi kujiray.
Henry waxa uu kooxda Barcelona u saxiixay heshiis 4sano ah uu sanadkii ku qaadanayo kudhawaad 7milion oo euro waxaana ay Barcelona beeciisa ku xirtay 125 milion kooxdii soo damaacisa arbaheeda cusub.
sanadkii ugu horeeyey kooxda Henry waxa uu udhaliyey 19 goal waana top scorerka ugu sareeyey kooxda xiligaas waxa uu sidoo kale sameyey 9 goal oo caawin ah waxa uu hal caawin ka hooseeyey gabanka Messi oo 10 goal sameyey xiligaas waxa uuna horyaalka ku waayeen gacmaha macalin Fabio Capello iyo Real Madrid.
seasonkii xigay ee 2009 Henry iyo kooxdiisa waxay u aheyd season dahabi ah kadib markii ay ku guuleysteen 5tii koob ee caanka noqotay La liga, copa Dela Rey , UCL, super cup Europa iyo Cup of Wolrd club.
Henry iyo saaxiibadiis Messi and Somuel Et'o waxay dhigeen record cajiib ahaa kadib markii ay dhaliyeen sanadkaas 100 goal sadexdooduba. 72 goal ayey ka dhaliyeen horyaalka waxayne jabiyeen record 66 da goal ahaa u yiilay xidigii Real Madrid's Ferenc Puskis, Alfredo Di Stefan and Luis del Sol. best triple.
Henry Messi and Et'o ayaana noqday sanadkaas 2009 best triple kahor inta aysan wacdaro kaas kadaran aysan dhigin kooxdii Real Madrid ee 2011-2012, kuwaas oo ayaguna record cusub dhigay oo ah 89 goal oo horyaalka ah waxayne kala ahaayeen Cristiano Ronaldo, Karim Benzema and Gonzalo Higuain .
Lasoco qeybta 4-aad insha Allah....

W/D: Farhan Ali Halane.
Gool FM Read more about Taariikhda Thiery Henry (Qaybtii 3-aad)