Tababarihii hore ee Tottenham:” Aad bay u yartahay in uu Gareth Bale ku biiro Real Madrid”

Waxaa Akhrisatay :237Macalinkii hore ee Tottenham David Pleat ayaa aaminsan in uusan dhaqaaqi doonin xagaagan Garath bale oo ay aad u doonayso Real Madrid.
"Aad bay u yartahay in uu xagaagan dhaqaaqo Bale".sidaa waxa yiri tababarihii hore ee Tottenham,oo isagu aaminsan in ay yartahay in uu Garath bale u dhaqaaqo Real.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Tottenham ku diidey Bale lacag dhan 86milyan,balse xiddigan ayaa isagu xiisaynaya in uu ku biiro Real Madrid.
"Waxaan ka shakisanahay in uu Bale si fudud ku soo ogaado in uusan meel tagi doonin xilli ciyaareedkan,waayo wuu arkayaa in hishiishkii ugu dambeeyey ee uu Real ugu dhaqaaqi lahaa la diiday"
"laakiin anigu ra'yi ahaan waxaan jeclaan in uu Bale halkiisan iska joogo isla markaana shaqada kooxda uu sii wado waxaana leeyahay kooxdu waa kooxdii aad ku soo caan baxdaye xagaaga dambe meeshaad doonto ku biir,balse sannadkan kooxdaada la dagaal tag"
Iskusoo wada duubo xiddigan ayaa kooxdiisa u dhaliyey 21 gool 31 kulan oo uu saftey Premiere league Read more about Tababarihii hore ee Tottenham:” Aad bay u yartahay in uu Gareth Bale ku biiro Real Madrid”