Tayfoodh (Typhoid fever)

Tayfoodh waa cudur khatar ah oo ay sababto bakteeriyo la yidhaahdo Salmonella typhi waxaana la iskugu gudbiyaa cuntada iyo biyaha aan nadiifta ahayn. Cudurkani waxa uu ku badan yahay wadamada soo koraya ee ku yaala Afrika, Aasiya iyo Laatiin ameerika sababtoo ah heerka nadaafadeed ee cuntada iyo biyaha oo hooseeya wadamadaas. Xanuunku waxa uu ka bilaabmaa mindhicirka waxa uu u gudbaa dhiigga halkaas oo uu uga sii faafo xubnaha kale ee jidhka.
Faafida cudurka
Kaadida iyo saxarada bukaha ayaa lagu arkaa bakteeriyadan taas oo keenta inuu cudurku ku faafo dad kale marka saxaradaas iyo kaadidaas ay wasakheeyaan cuntda iyo biyaha.
Astaamaha
* Xummad aad u saraysa oo mudo dheer ku haysa
* Madax xanuun
* Muruqyo xanuun
* Calool istaag
* Shuban
* Mar marka qaarkood finan yar yar oo cas cas oo ka soo baxa maqaarka.
Sidee loo baadhaa
Bakteeriyadan ayaa lagu arkaa dhiigga, kaadida iyo saxarada bukaha.
Daaweynta
Waxa lagu daaweeyaa anti-biyootiga, hadii qofka laga daaweyn waayo waxay sababtaa dhimasho.
Ka hortaga
Marka hore waxa lagaga hortagi karaa hagaajinta nadaafada guud gaar ahaan nadaafada cuntada iyo biyaha iyo dadka ka shaqeeya cunto karinta, diyaarinta iyo iibinta. Waxa jira tallaal lagaga hortago cudurka waxaana haboon in qofku qaato tallaalkaas.
Waxa soo diyaariyey: C/raxmaan xaashi Cabdi
Bahda mareegta caafimaadkawww.caafimaadka.comEditor@caafimaadka.comcaafimaadka@gmail.com Read more about Tayfoodh (Typhoid fever)