United oo dirqi ku badisay & City oo qasaartay

LONDON, (CIYAARO) - Javier Hernandez ayaa Manchester United daqiiqadii ugu danbeysay u dhaliyay goolkii guusha kaasoo sababay in ay 4-3 kaga farxashaan Newcastle United isla markaana ay 7 dhibcood ku qabtaan hogaanka Premier League markii Manchester City ay 1-0 qasaaro ah kala kulantay Sunderland.
Jonny Evans, Patrice Evra iyo Robin van Persie ayaa goolasha kale u dhaliyay United taasoo si dirqi ah kaga badisay Newcastle ciyaartii ka dhacday Old Trafford.
Nin horey ugu ciyaari jiray Manchester City oo la yiraah Adam Johnson ayaa Sunderland u dhaliyay goolka ay kaga badisay City taasoo 4 dhibcood oo kaliyaha ka sareysa Chelsea taasoo 1-0 kaga badisay Norwich City.Gooldhalinta English premier league
13 Robin van Persie (Manchester United)
Michu (Swansea City)
11 Luis Suarez (Liverpool)
Demba Ba (Newcastle United)
9 Jermain Defoe (Tottenham Hotspur)
8 Marouane Fellaini (Everton)
Steven Fletcher (Sunderland)kala horeynta horyaalka
1 Manchester United 46
2 Manchester City 39
3 Chelsea 35
Share/Bookmark Read more about United oo dirqi ku badisay & City oo qasaartay